berberatoday.com
Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-Sannadeedka 2017-ka Oo $ 27.5 Ka Badan Tii Sannadkii Hore
December 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa Maanta kulankoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka Somaliland ee Sannadka soo socda.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL oo soo gaadhay Warbaahinta Himilomedia.com, waxaanu War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran u qornaa sidan, “Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.

Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.

Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.

Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:

No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
  Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393

 

 ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews