Guri Ku Yaala Magaalada Burco Oo Arin Mucjiso Ah Lagu Arkay Ayaa Maanta Sixir Laga Soo Saaray Iyo Waxyaabaha Uu Ka Koobna Sixirkaasi
December 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guri ku yaala magaalada Burco isla markaana uu qoys degan yahay
waxaa maalmihii ugu danbeeyey lagu arkay arimo mucjiso ah kuwaas oo ah in raashinku isu bedelo cayayaan isla markaana ay biyuhu kar karayeen oo ay xunbo noqonayeen

Arintaasi ayaa waxaa ay noqotey mid mucjiso ah oo ka yaabisay dadka reer Burco iyo guud ahaan cid kasta oo arintani aragtey waxaana sidii qoyskaasi looga dul qaadi lahaa dhibaatadaas ka hawl galay culimada magaalada Burco oo uu hor kacaayo sheekh Jamaac Cismaan Axmed