berberatoday.com
Magaca Wiil Soomaali Ah Oo Meydkiisa Laga Helay Magaalada Toronto
December 23, 2016 - Written by Berbera Today

Toronto(Berberatoday.com)-Meydka Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Faysal Bashiir Xiis Khalaf, ayaa laga helay guriga uu ka daganaa magaalada Toronto ee dalka Kanada, isaga oo ay ku yalaan dhaawacyo.

20161221636178853760035563dilllDhismaha 2067 oo ka tirsan xaafadda Isliton ee magaalada Toronto, ayaa ah goobta uu dilkani ka dhacay, waxaana ka horeeyay dil loo adeegsaday Rasaas oo loo gaystay wiil isna Soomaali ah oo lagu magacaabi Jiray Yuusuf Xaaji, kaasi oo isna lagu dilay isla Bariga magaalada Toronto.

Booliska Magaalada ayaa  sheegay in ay wadaan baadhitaanno ku aadan dilkan, isla- markaana ay wakhti dhow warbixin ka soo saari doonaan dilkan, xilli uu jiro kala qaybsanaan Dhanka fikirka ah oo u dhaxeeya Somalida deggan dalkaas.

“Sanadkan 2016-ka,waxaan odhan karaa waa qofkii 8-aad ama sagaalaad oo lagu aasayo halkan , waa arin runtii musiibo ah oo ku habsatay bulshadeena” ayuu yidhi Shiekh Abuukar Sheekh Xuseen oo ah imaamka Masjidka Khalid Ibnu Waliid oo ku yaala galbeedka magaalada Toronto.

“Arinkan ka bulsho ahaan waxaa lagaga bixi karaa inaan isku nimaadno oo aan meel uga soo wada jeedsano arinkan soo noq-noqday, xal-na ka gaadhno sidii looga bixi lahaa. Meeshan umaynaan iman in aan carruuteen-na ku aasno ee waxaan u nimid nolol iyo waxyaabo kale “ ayuu mar kale yidhi Sheikh Abukar.

Waxaa Imaamka uu sheegay in booliska ayna wax-ba ka qabin karin arintan haddii ayna la shaqayn bulshadu, isaga oo tilmaamay in tirada dhimashada ay ka sii badan karto haddii bulshada Soomaalida ah ayna midoobin isla-markaana ka bixin tafaraaruqa ka dhex-jira.

Ugu danbayn, dilkan loo gaystay labadan wiil ee Somalida ah ayaa imaanayaa ,iyadoo todobaadkii hore magaalada Ottowa lagu dilay laba gabdhood oo walaalo ahaa, kuwaasi oo dilkooda loo xidhay walaalkood.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews