Xayiraaddii Sucuudiga Ka Dib, Xoolo Uu Markab Ka Qaaday Dekedda Berbera Oo Lagu Iibsaday Sayladaha Dalka Sucuudiga
December 23, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Iyadoo Toddobaad ka hor dawladda Sacuudigu Xayiraad saartay Xoolihii uga dhoofi jiray Guud ahaa dhulalka Soomaalidu degto, ayaa waxaa la sheegayaa in Go’aankaasi kadib markab xoollo daabuley uu ka tagay dekadda magaalada Berbera.
Qaar ka mida Ganacsatada Xoolaha ee magaalada Burco oo shalay u warmayay idaacadda Ergo ayaa sheegay inaanay wax saameyn ah iibka xoolaha ku yeelan suuqii ganacsiga ee sayladaha, balse ay abaartu saameysay Ganacsiga Xoolaha, isla-markaana markab xoolo qaaday uu Toddobaadkan ka shiraacday Dekadda Berbera.