berberatoday.com
“Arinta Shidaal Baadhista Saraar Weli Waxay Maraysaa Sidii Loo Soo Eryay Shirkadihii Hore Halkaa Uga HAwlgalay Waxaana Ka MAsuula Wasaarada Macdanta”Caaqil Mursal Cawad Dooyo
December 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland Gaar ahaana Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta ayaa Deegaano ka Tirsan Gobolka Saraar Ka bilowday Hawlo Lagu Sheegay Shiidaal Baadhis Ah Deegaamada Shidaalka Laga Baadhayo Waxaa ka mid ah Waridaad,Wiriir iyo Deegaamo kale Kuwaasi oo la Sheegay Inaan Qalab iyo Shaqaale Midna La geeyn Doonin isla markaana laga Maamuli doono Deegaamo Hoos yimaada Gobolka Togdheer oo xuduud la leh Gobolka Saraar ee Laga Wado Sahaminta Shidaal Baadhsita Arintani oo dhowr Jeer oo Hore Murankeedu Soo Noqnoqday waxaa Ay u Muuqataa inay Dabada La Gelayso Sidii Hore waxaana ka hadlay Markii ugu horeysay Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Saraar Gaar ahaana kasoo Jeeda Degmada Waridaad kuwaasi oo ku Sifeeyey inaanay Caqli Gal ahayn In Laga Maamulo iyo isla markaana Shaqaalaha Laga qoro deegaamo hoos yimaada Gobolka Togdheer Caaqil Mursal cabdi Cali Oo Waraysi Nagu siiyay Isagoo ku Sugan Hargaysa Waxaa uu Yidhi ” Waxaanu leenahay inaan Haba yaraatee Wasaarada Macdantu Marin Dariiqii Sharci ee Ay ku Soo Saari Lahayd HAwlaha Shidaal Baadhis ee ay ka wado deegaanka,Waxaana Taasi Daliil u ah In Tuulooyin aan jirin la yidhi Maamulkoodii ayaanu siminaar ugu Qabanaynaa Gobolka Saraar,Taasi oo ah Been Abuur iyo Wax aan jirin,waxaa kaloo taa ka sii daran arinta Kaamka lagaga samaynayo deegaanka Ina Dhakool ee Gobolka Togdheer,Una Muuqata in Deegaan deegaan kale loo Raray isla markaana Halkii laga qori lahaa shaqaalaha geed goynta iyo dhismaha Kaamamka deegaanka wax laga baadhayo ayay wasaarada Macdantu Gaar ahaana Wasiirka Wasaaradaasi Ka dhex Abuuray Labada Gobol Muran Qabyaaladeed oo kala Qobqob iyo Eex Deegaamo Jeclaysi Salka ku Haya Waana Arin Wax weyn u dhimi Karta Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Wasaaradiisu Wado,Waxaanuna ugu baaqaynaa Wasaarada Macdanta inay Sharcigii iyo Heshiisyadii ay deegaanka La Gashay Dib ugu soo Noqoto,oo ay Iska Ilawdo dadkan Aan deegaanka u Dhalan ee Ay Wax Ka Waydiinayso Arimahooda iyo Danahooda,ee welibana Sita Dhalashooyinka Dalalka Shisheeye “Ayuu yidhi Caaqilku Sidoo kale waxaa uu ka Hadlay Caaqil Mursal Cabdi Cali in aanay Wasaaradu La Hiishan Abaaraha Dadka Haya iyadoo Ka faaiidaysanaysa taasina Aanay Qoran Shaqaale Jaban iyo Dad Masaakiin ah oo Lagu dulmayo Xaalada adage e ay Ku Jiraan Awadeed waxaana uu yidhi “waxaanu leenahay Waan Baahanahay Uma Bahalo Cunayno taasi waxaa ay la mid tahay deegaankii xoolihii ayaa ka dhamaaday oo abaar baa heshaye wax kastana waa ay yeelayaane Hawsha aynu ka Fushano,Waana inay Wasaaradu dadkii Masiirkooda ka talin lahaa ay wax ka waydiisaa “Ayuu Yidhi

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews