berberatoday.com
Ninka Daryeela Libaaxyada Waran-cadde Oo Ogaal Uga Warramay Sababta Keentay In Aar Ka Baxsado
December 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo habeen-hore uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadda uu Beertiisa magaalada Hargeysa ku xannaaneeyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde uu ka baxsaday Xayn-daabkii uu ku jiray, balse gacanta lagu dhigay intaanu Beerta Guriga ka gudbin.

Inkasta oo Dadweynaha Caasimadda Hargeysa ku dhaqan ay cabsi dareem markii ay maqleen Warka ah in Liibaaxyada Waran-cadde mid ka mid ahi baxsaday, ayaa haddana gacanta lagu dhigay Aar Libaaxyadaa ka tirsan oo Xayndaabkii uu ku jiray ka dhacay isaga oo aan Beerta xayndaabka lagu hayaa ku dhex-yaallo aan ka bixin.

Xarunta lagu xannaaneeyo Libaaxyadda ee Guriga Cali Waran-cadde, ayaa shalay Weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal uu booqasho ku tegay si uu xog uga soo helo sababta kelliftay inuu Libaaxo jabsado meeshii lagu hayey oo ka baxo.

Ninka Daryeela Libaaxyada Waran-cadde oo lagu magacaabo Mubaarig, ayaa Weriyaha Ogaal ka tirsan ee Booqday uga warramay sababta keentay in Libaaxu Shabagga ka baxsado, waxaanu yidhi; “Habeen-hore ayey labadan Libaax ee meesha ku wada jiraa is dileen, waxay isku haysteen Gooshan, waanay qooqan yihiin. Markaa, mid ka mid ah labada Aar (Ninka Libaaxa) ayaa dibedda u soo baxay oo Shabagga soo goostay. Laakiin, Xeradan kamuu bixin oo dibedda ma tegin. Halkan xayn-daabka ayuu ku warwareegay oo Aniga iyo Shaqaalaha kale ayaa gacanta ku dhignay oo dib ugu celinnay meeshii uu ku xaraysnaa.”

Mubaarik ayaa Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa farriin u diray, waxaanu yidhi;  “Waxaan ugu baaqayaa Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa in aanay cabsoon, waayo? Libaaxii halkiisii ayuu ku jiraa, ma fogaan karo, Silsilad ayaa ku xidhan oo dib baa loogu celiyay Xeradii uu jabsadday.”

Libaaxyada Waran-cadde, ayaa marka la maqlo mid ka mid ah ayaa Baxsaday, Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa waxay dareemaan Cabsi, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu mid ka tirsanaa Libaaxyadaas intuu baxsaday Gabadh Dhalinyaro ah ku cunay Dooxa Hargeysa halka Beeraha New Hargeysa uu kaga beegan yahay uu 28-ka bishii Maarso sannadkii 2008-dii, kaasoo uu Cali Waran-cadde oo markaa ahaa Wasiirka Duulista Xukuumaddii Daahir Rayaale toogtay oo uu Xabbad ku dhuftay.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews