Ninkii Ka Dambeeyay Weerarkii Berlin Oo Dalka Taliyaaniga Lagu Dilay
December 24, 2016 - Written by Berbera Today
Talyaniga(Berberatoday.om)-Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga ayaa toogasho ku dilay Anis Amri oo ahaa ninkii lagu tuhunsanaa weerarkii gaadhiga xamuulka ah ee lagu qaaday Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Boolisku waxaa ay sheegeen in sawirka faraha ee laga qaaday ninkaasi ay islahaadeen kuwii laga helay iisteerinka gaadhiga xamuulka ah ee lala dhexgalay dadkii ka dukaameeysanayey suuqa diinta masiixiga iyadoo lagu dilay 12 ruux 48 kalena ay ku dhaawacmeen .