berberatoday.com
UN Oo Sheegtay In 5,000 Oo Qof Ay Badda Ku Dhinteen Sanadkan
December 24, 2016 - Written by Berbera Today

New York(Berberatoday.com)-Tirada dadka sida sharcidarada ah ugu tahriiba Yurub ee sanadkan badda Mediterranean-ka ku dhimatay ayaa gaartay 5,000 oo qof, taas oo ah tiradii ugu badneyd abid, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

dar

Qiimeyntan ugu dambeysa ee ay shaaciysay hay’adda UNHCR, waxaa ka mid ah 100 qof oo ku dhimatay xilli ay saarnaayeen doon yar oo ku degtay xeebaha Taliyaaniga.

Xilligan oo badda ay cimilo ahaan xuntahay, tirada tahriibayaasha hoos ayey u dhacday, balse halista ay is gelinayaan ayaa ka badan.

Waxay raacaan doomo halis ah, si ay uga baxsadaan ciidamada oo aan loo xirin, taas ayaana ah farsamo cusub, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

UN waxay dalalka Yurub ka dalbaneysaa in la sameeyo qaabab sharci ah, si loo badbaadiyo tahriibayaasha.

Afhayeenka, William Spindler, wuxuu sheegay in tirada dhimashada oo sare u kacday ay tahay digniin.

Wuxuu tilmaamay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen inay hal mar isla diraan kumannaan qof oo doomo kala duwan saaran, taas oo dhib ka dhigeysa samata bixinta.

Ku dhowaad, 360,000 oo qof ayaa sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub, badankoodana waxay gaareen Taliyaaniga iyo Giriigga, sida ay sheegtay hay’ada socdaalka caalamka ee IOM.

Dadka tahriibayaasha ah badankooda waxay ka gudbaan badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Taliyaaniga, ka dib markii la xiray dhanka Turiga iyo Giriigga, horraantii sanadkan.

Sanadkii hore ee 2015-kii, 3,800 oo qof ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay IOM.

 

 

Sourec BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews