Bosaso”Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Maamulka Puntland Oo Toogasho Lagu Dilay
December 25, 2016 - Written by Berbera Today
Bosaso(Berberatoday.com)-All ha u naxariistee, Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidanka Puntland Col. Cabdikariim Xasan Firdhiye(Hoori) ayaa dhalinyaro hubaysan ay ku toogteen hotel ku yaal bartamaha magaaladda Bosaso
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa toogtay labo nin oo dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa bastoolado iyo bambooyinka gacanta, iyado goobtu dilki ka dhacay ay u dhaxayso Taliska Booliska Gobolka iyo saldhiga ugu weyn magaaalada Bosaso ee Bartamaha.