berberatoday.com
Haweenay Muslim Ah Oo La Saadaalinayo Inay Madaxweyne Ka Noqoto Dal Yurub Ka Tirsan+Halkuu Yahay Dalkaas.
December 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Haweenay haysata diinta islaamka, ayaa la saadaalinayaa inay markii u horreysay madaxweyne ka noqoto dalka Romaaniya (Romania) ee ku yaal bariga qaaradda Yurub, taas oo aqoon u leh cilmiga dhaqaalaha, isla markaana xubin ka ah isbahaysiga muslimiinta tirada yar ee dalkaas (Romania’s small Muslim community).

Gabadhan siyaasadda ku jirta oo la yidhaa Liviu Dragnea, waa Guddoomiyaha Xisbiga Bulshada Dimoqraadiga ah (Social Democratic Part), kaasoo doorashada Baarlamaanka ku guulaysatay 11 December 2016, ayaa soo jeediyey in Sevil Shhaaideh loo doorto jagada Ra’isal-wasaarenimo. Dhawaaqa hoggaamiyahani wuxuu noqday mid aad loola yaabo, waayo magaceeda oo aan aad looga aqoon dalka Romaaniya.

Haweenaydan oo 52 jir ah xisbi ayey xubin ka tahay, balse uma ay tartamin golaha sharci-dejinta. Waxa ay ahaan jirtay Wasiirka Horumarinta Gobollada lix bilood sannadkii 2015ka, waqtiganna waa sarkaal ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Gobollada.

Madaxweynaha Romaaniya Mr. Klaus Johannis, ayaa la tashanaya hoggaamiyayaasha siyaasadda ka hor inta aannu magacaabin Ra’iisal-wasaaraha, kadibna marka uu soo doortana waxa ansixin doona Barlamaanka. Haddii haweenaydani ku guulaysato in la ansixiyo waxa ay noqonaysaa Ra’iisal-wasaarihii ugu horreeyey ee dalkaas ka taliya.

Hoggaamiyaha Xisbiga Bulshada Dimoqraadiga ah Mr. Dragnea ee soo jeediyey in gabadhan muslimka ah jagadaas loo doorto waxa laga mamnuucay inuu Ra’iisal-wasaare noqdo, maxaa yeelay waxa lagu helay inuu khiyaamo iyo is daba marin dhinaca doorashada ah ku kacay.

Mr. Dragnea oo April 2016 sheegay in dambiga lagu helay uu ahaa mid aan caddaaladda ku salaysnayn, waxa uu ku dooday in sharciga lagaga mamnuucay inuu hoggaanka dalka ka mid noqdu uu yahay mid aan dastuuri ahayn, balse waxa uu sheegay in Barlamaanka cusub ay u codayn doonan sharci 2001 waddankaas laga hirgelyey oo mamnuucaya in qof kasta oo khiyaamo amma dambi lagu helaa aannu jago Wasiirnimo gaadhsiisan dalka ka qaban karin.

Mr. Dragnea loo doortay waxa loo doortay Shir-guddoonka Golaha Barlamaanka Roomaaniya, gaar ahaan ku-xigeenka maalintii Arbacada. Waxa uu wali sii hoggaamiyaa xisbigiisii, waxana la rajaynayaa inuu saamayn badan ku yeesho xukuumadda ay haweenaydan hoggaamin doonto.

“Haddii la doorto waxa ay noqonaysaa Ra’iisal-wasaare, laakiin masuuliyadda siyaasaddeed xagayga weeyaan gebi ahaan,” ayuu yidhi Mr. Dragnea oo haweenaydan ku ammaanay in ay aqoon badan u leedahay hannaanka maamulka dawladnimo, isla markaana ay tahay qof shaqada ku adag oo daacadnimadu ku badan tahay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews