berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Kaluunka Qasaacadaysan ( Warbixin Faahfahsan Halkan Ka Akhriso)
December 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaan kaga hadli doonaa jawaabtaada sadax qeybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:
1- Kalluunka gasacdaha ku jiro iyo qaabka loo sameeyo?
2- Halis miyuu ku yahay caafimaadka, maxaana loo dhahaa kansar ayuu keenaa?
3- Faa’idada saliida kalluunka iyo meelaha laga helo?tuna

Kalluunka Qasacadaysan:
Kalluunka ugu badan ee qasacada lagu keeno waa nooca loo yaqaano “Tuna fish”, waa kalluun ay dood badani ka taagan tahay, laguna sameeyay cilmibaarisyo kala duwan, marka ugu horayso aan idiin sharxo qaabka loo sameeyo:
1- Markii kalluunka la soo dabto, madaxa iyo saynta ayaa laga gooyaa, uurkujirtane waa laga saaraa.
2- Kadib qaboojiye ayaa la geliyaa.
3- Markii la qaboojiyo ka dib, lafaha yaryar iyo qolfaha ayaa laga saaraa, waana la kariyaa.
4- Kadib isagoo la kariyay oo qalalan ayaa lagu guraa qasacyada.
5- Waxaa lagu dul shubaa dheecaan biyo ah oo cusbo leh ama saliidda cuntada lagu karsado sida caddayda oo kale (Ogow biyaha ku jira gasaca kalluunka maahan maraqiisa ama saliid kalluun, waa biyo milix leh ama saliid qudaar “Vegetable Oil”).
6- Kadib gasaca waxaa laga nuugaa hawada, waana la soo daboolaa.

Marka waa muhiim in aad ogaatid dheecaanka ku jira gasaca kalluunka maahan saliida kalluunka, mana ahan dheecaankiisa ee waa biyo ama saliid qudaar oo lagu daray inta aan la soo sajjalin.

Kalluunka Gasacadaysan Iyo Caafimaadka:
Kalluunka nooca Tuna-da wuxuu xambaarsan yahay nafaqo badan, waxaa laga helaa birta, saliida omega-3, fitamiino kala duwan iyo borotiin badan, laakiin dhakhaatiirta kuma taliso kalluunka gasacadaysan in la badsado khaasatan hooyada uurka leh, hooyada nuujiso iyo ilmaha yaryar sababtuna waxay tahay:

  • Ka Cabsashada Sunta Mercury-ga: Qasacadaha kalluunka Tunada lagu keeno waxaa badanaa lagu arkaa maadada loo yaqaano “methylmercury”, tanoo sun ku ah neerfayaasha bin’aadanka, inkastoo suntaasi jirka iska saari karo laakiin haddii jirka ku badato dhibaato ayay u gaysan kartaa, waxaana lagu gartaa kabuubyo joogto ah, gariir ama jarayn gacmaha ah, socodka oo dhib noqdo, aragga oo daciifo, xasuusta oo yaraato, sidaas awgeed ayaa loo yiraahdaa yaanan la badsan, hooyada uurka leh iyo midda nuujinayso way u gudbin kartaa dhallaankeeda, dhibaatane wuu ka qaadi karaa. taladu waxay tahay haddii aad heli kartid kalluun fresh ah oo aad kaga kaaftoomi kartid ku badalo, haddii kalane iska yaray isticmaalka joogtada ee kalluunka gasacadaysan.
  • Ka Cabsashada Maadada BPA: waa maaddo lagu sameeyo gasacyada lagu keydiyo cunnada diyaarka ah, horay ayaan uga soo hadalnay dhibaatada ay leedahay maadadaan markaan soo bandhignay caafimaad darrada yaanyada moorgaraysan ama yaanya shiishiidka, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0

Midda ku saabsan in kansar laga qaado ma ahan arrin la xaqiijiyay ama la hubo, laakiin dhibaatooyinkaan kale ee aan kor ku soo xusnay waxay dhakhaatiirta ugu kala qaybsameen 3 kooxood:

  • Kooxda 1-aad waxay ku talisaa in kalluunka gasacadaysan la cuni karo, maadaama ku sumoobidda mercury-ga aysan badanaa dhicin, laakiin in aan la badsan si suntaas aysan jirka ugu badan, dhibkeedane looga badbaado.
  • Kooxda 2-aad waxay ku taliyaan in ragga ay cuni karaan, laakiin haweenka ay ka fogaadaan sababtoo ah hadday uur qaado ama ilmo nuujiso way u gudbin kartaa uurjiifkeeda ama dhallaanka, halistane dhakhso ayay ka soo muuqan kartaa.
  • Kooxda 3-aad waxay ku taliyaan in kalluunka gasacadaysan oo idilba laga fogaado maadaama faa’idada laga helayo ay khasaaro la socon karto, laguna kaaftoomo kalluunka dabiiciga ah.

Talada SomaliDoc: Maadaama uusan wadanka lahayn hay’ado u xilsaaran kontoroolidda badeecadaha dalka soo galo ama hay’ad caafimaad oo baarta tayada cunnada noola keeno waxaan ku talinaynaa in kalluunkaan qasacadaysan cunistiisa aan la joogtayn, hooyada uurka leh iyo midda nuujisane ay ka taxaddaraan.

Faa’iidooyin Caafimaad ee Saliidda Kalluunka:
Saliidda caafimaadka xambaarsan waxaa laga helaa kalluunka hilibkiisa ee ma ahan saliidda lagu kariyo ama midda gasacadaha ku jirto, Saliidaan waxay xambaarsan tahay faa’iidooyin ka hortag iyo mid daaweyn, waxayna wax u tartaa wadnaha, xididada dhiigga, qanjidhada, maskaxda, murqaha iyo lafaha iyo hooyada uurka leh.
Saliidaan waxaa laga helaa kalluunka badankiis, laakiin wuxuu aad ugu badan yahay kuwa loo kala yaqaano salmon, herring, mackerel, anchovies iyo sardines. Saliidaan cilmibaarisyo badan ayaa lagu sameeyay, cudurro badane waxbay u tartay, dadka ku nool meelaha aan laga heli kalluunka dabiiciga ah waxay saliidaan ka heli karaan farmashiyada iyadoo kaniin ahaan u samaysan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews