“Saldhiga Militery Ee La Siinaayo Imaaradka Waa In La Joojiya , Somaliya Ayaa Fasaxa Laga Soo Qaadanayaa”Muj Xassan Guure”Daawo Muuqal
December 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muj Xassan Guure gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland waxaa uu ka hadley wararka sheegaya in saldhig Military laga siinayo magaalada Berbera Dawlada Imaraadka Carabta
Muddane Xassan Guure waxaa uu si adag ugu baaqay in gabi ahaanba la joojiyo saldhig la siiyo dawlada Imaraadka isaga oo ku sifeeyey in ay tahay dhaxal wareejin dalka lagu sameynaayo bixinteedana laga soo amar qaadanayo dawlada Somaliya
Sidoo kale Muj Xassan Guure waxaa uu fariin u diray xildhibaanada baarlamaanka Somaliland isaga oo u soo jeediyey in aanay ansixin hadii la hor keeno