berberatoday.com
Shacabka Somaliland Oo Shaki Weyn Ka Qaba Tayo-xumada Cuntooyinka Somaliland La Keeno Xilli Qaaradda Afrika Lagu Soo Daabulayo Bariis Caag Ah Oo Caafimaadka Halis Ku Ah
December 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tan iyo markii suuqyada Afrika gaar ahaan magaalooyinka dalka Nigeria laga soo sheegay in lagu iibiyo bariis aad u tayo xun oo aakhirkii la ogaaday in uu qaarkii ka samaysan yahay walxo caag ah oo laga farsameeyey hadhaaga walxo caag ah ayaa keenaysa in ay shaki hor leh sii qaadaan shacabka reer Somaliland oo marka horeba dhibaato ka haysatay tayo xumada cuntooyinka dalka la keeno iyada oo aanay jirin xukuumad iska xil saarta tayada cuntooyinka dalka lasoo galiyo.bariiscaaq
Maalmihii ugu dambeeyey goobaha dadku ka cunteeyaan ee maqaaxiyaha waxa si weyn looga hadal hayay Bariiska la sheegay in laga sameeyo walxo qashin ah oo hadhaa ah oo qaarkii caag huube la farsameeyey yahay ayaa waxa ay aad u hadal hayaan in tayo xumada bariiska iyo guud ahaan cuntooyinka dalka ganacsatadeenu keento ee aanay cidina kaantaroolin ama la socon halka in badan oo doodda shacabku ku arooraysay in loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto cuntooyinka dalka la keeno ee aan la ogayn tayadooda iyo hannaanka loo soo farsameeyey iyaga oo in badan ku doodaya in aan marnaba lagu kalsoonaan Karin tayada wakhtigan ay leeyihiin cuntooyinka dalka la keenaa kadib xanuuno badan oo aanay bulshadu hore u arki jirin oo dalka ku soo badanaya. Dhawaan ayay ahayd markii dalka Nigeria laga soo wariyey in dalkaasi la soo galiyey bariis tayo xun oo aan la ogayn waxa laga farsameeyey kaasoo ahaa nooc caag ah oo aan sinaba loo cuni Karin.
Kadib markii warkaasi soo baxay Xukuumadda Nigeria ayaa shalay beenisay wararkaasi sheegaya in bariis caag ka sameysan lagu arkay dalkaasi. Laanta qaabilsan canshuuraha badeecooyinka ayaa hore u sheegtay inay gacanta ku dhigtay 2.5 tan oo bariis caag ah oo la tuhunsan yahay in laga keenay dalka Shiinaha. Madaxa canshuuraha Lagos ayaa Arbacadii sheegay in bariiskaasi been-abuurka ah la doonayay in la iibiyo xilliyada lagu guda jiro dabbaal-degyada ciidda Kirismaska.
Hase ahaatee, Wasiirka caafimaadka Nigeria, Isaac Adewole ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in baadhitaanno lagu sameeyey ka dib lagu ogaaday in bariiskaasi uu yahay mid tayo xun balse aan caag ka samaysnayn.
Bariisku waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika waxaana waayadan dambe la sheegaa in qaaradda Afrika loo soo dhoofiyo bariis aan tayo wanaagsan lahayn ahna bariis la farsameeyo oo aan ahayn mid beeraha ka baxa kaasi oo la sheegay caafimaad ahaan in uu yahay mid waxyeelo weyn dadka u gaysta maadaama aanu ahayn kii dabiiciga ahaa ee u baxayay sida dabiiciga ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews