berberatoday.com
Xaguu Ku Danbeeyay Mashruucii Biyo Balaadhinta Keydka Burco Iyo Cabashada Dadka Danyarta Ah Oo Banaanka Timi+Maareyaha Wakaalada Biyaha Burco Oo Dhegaha Ka Furaystay
December 25, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Waxa ay ahayd bishii January ee sanadkii 2014 markii si rasmi ah loo bilaabay mashuuc balaadhan kaasi oo lagu balaadhinaaniyey biyaha Magaalada Burco isla markaasina biyaha lagu gaadhsiinaayey xaafado tiro badan oo aanay wakhtigaasi biyihii wakaaladu gaadhi jirin.

Mashruucani biyo balaadhinta ahaa ayaa waxa iska kaashaday maalgalintiisa shirkada coca-cola iyo shirkada SBI Somaliland, waxaana ku baxaayey mashruucani sida uu warbaahinta u sheegay Xiligaasi la dhagax dhigaayey mashruucani Ibraahim Yuusuf Diiriye Jirde oo ahaa mareeyihii hore ee wakaalada Biyaha Burco cadad lacageed oo dhan 500-oo kun oo doolarka maraykanka ah, Sidoo kale mashruucani biyo balaadhinta Burco ayaa waxa ka mid ahaa taangi Biyoodyo kala duwan oo ku yaala hareeraha magaalada Burco isla markaasina loogu tallo galay in biyaha loogu kaydiyo magaalada isla markaasina ay mashiinada Biyaha soo saaraa ay ku nastaan.

Kadib markii laga bedelay Wakaalada Biyaha Burco Maareeyihii hore ee wakaalada oo waday wakhtigaasi mashruucani biyo balaadhinta Burco ayaa waxa xilka la wareegay Fadxi Axmed Cabdilaahi oo loo soo magacaabay wakaalada Biyaha Burco Wakhtigaasi.

Isla wakhtigii uu Mareeye Fadxi xilka la wareegayba waxa si cad u muuqatay in uu istaagay mashruucii biyo balaadhinta gaar ahaan Taangiyadii kaydka biyaha oo wakhtigaasi dhamaystirnaa isla markaasina u baahnaa kaliyaata ka shaqeysiin si magaalada Burco ay u yeelato kayd biyood hadiiba loo baahdo lagu samata bixiyo bulshada.

Iyada oo ay abaar baahsani ay ka jirto guud ahaan deegaanada Gobolada Bariga somaliland hawgu darnaado deegaanka Gobolka Togdheer ayaa waxa aan jirin taakulo biyo ah oo ay wakaalada biyahu u fidisay dadka abaarahu saameeyeen marka laga reebo 20 booyadood oo biyo ah oo ay ku wareejiyeen gudida gurmadka abaaraha gobolka Togdheer.

Wakhti xaadirkan guud ahaan Taangiyada Kaydka biyaha Burco ayaan ahayn kuwo shaqeeya lamana garanaayo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in uu istaago mashruucani biyo balaadhinta ee kaydka taangiyada, Balse waxa muuqata in maareeyaha Wakaalada Biyahu uu shaqadisii kaga mashquulay olole siyaasadeed iyo Kaambaynka xisbiga Kulmiye.

Haqabtire News

Burco-Office

Sawirada Kaydkii Taangiyada Biyaha BURCO Ee La Dhisay Balse Aan Shaqayn

img_3313img_3315img_3317img_3318img_3328img_3330img_3331img_3336img_3337img_3341

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews