Baashe Morgan Oo Bilaabay Kaambayn Iyo Xodxodasho La Xidhiidha Sidii Golaha Wakiilada Loo Hor Geyn Lahaa Degdegna Qalinka Loogu Dhufan Lahaa Heshiis Madaxtooyadu Imaaraadka Ugu Wareejiso Saldhig Milatari K
December 26, 2016 - Written by Berbera Today
Kadib Heshiiskii Is-Faham Ee Madaxweyne Siilaanyo Imaaraadka Carabta Ugu Ogolaaday Saldhig Milatari Oo Ay Ku Yeeshaan Magaalada Berbara, Safiir Baashe Cawil Oo Hargeysa U Yimid Dardar Gelinta Qandaraaskaasi Cusub Si Looga Ansixiyo Wakiilada & Maalmaha Soo Socda Oo La Filayo In Rasmi Ahaan Loo Guda Galo Hawshan

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta Ambasaddor Baashe Cawil Xaaji Cumar oo dhawr maalmood ka hor dalka ku soo laabtay ayaa la sheegay in uu si degdeg ah oo xawli leh dalka uga bilaabay kaambayn iyo xodxodasho hor leh oo uu ku wajahay siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo aqoonyahanka dalka ee kaleba si uu taageero ugu helo saldhig Milatari oo xukuumadda Somaliland dalka Isutagga-Imaaraadka Carabta ka siiso Magaalo xeebeedda caanka ah ee Berbera.
Warkan oo aannu ka soo xiganay shabakadda Uu Internet-ka ku leeyahay Wargeyska Xayiran ee Haatuf ayaa waxa uu leeyahay Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil Xaaji Cumar oo todobaadkan ku soo laabtay Hargeysa ayaa caasimadda Somaliland ka dhex wada olole uu ugu jiro sidii uu Golaha Wasiirada iyo Baarlamankuba u ansixin lahaayeen heshiis afka ah oo ay ay dawladda Imaaraatka iyo waftigii Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay ee dalkaasi muddo hore tagay ay isku af -garteen in dalka Imaaraadka Carabta saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera.
Sida laga soo wariyey masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland, labada dhinac waxay muddo dhawr toddobaad ka hor ah wada gaadheen Isfaham mabd’i ah oon qoraal ahaan wali la hor keenin golaha wasiirada iyo baarlamanka toona. Hadaba Baashe Cawil oo ah ninka dabada ka waday mashruuca saldhigga ay Imaataatku doonayaan inay ka hir-galiyaan xeebta iyo madaarka Berbra, ayaa dhawrkii cisho ee uu joogay Hargeysa waxa uu u kala saari waayey shirar uu la yeelanayo qaar ka mid ah xubnaha beeshiisa kaga jira golaha wakiiladda iyo xukuumadaba, madax-dhaqmeedyo ,ganacsato iyo dhalinyaro isagoo qaybaha kala duwan ee bulshada u sharxaya faaiidooyinka dhaqaale ee Somaliland ugu jira saldhig Imaaraatku ku yeesho dalkan inkastoo aanay hadalkiisa ku jirin wax tixgalin ah oo la filayo in ogolaanshaha Saldhigaasi ka soo kordhin doono xaga qadiyadii ictiraafka iyo inkale.