berberatoday.com
Ciidamada Puntland Oo Hawlgal Ka Wada Magaalada Boosaaso
December 26, 2016 - Written by Berbera Today

Bosaso(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya saakay oo Isniin ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Maamulka Putland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo amni sugid ah ka wadaan ciidamada maamulka Puntland.rrr

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa saakay kusoo baraarugey ciidamo badan oo xaafadaha magaaladaasi ka kooban tahay ka wada howlgallo guryo badan lagu baadhayo

Weli howlgalkaan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Saraakiisha ciidamada amniga Boosaaso ayaa sheegaya in ulajeedka howlgalkaan ay tahay sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka guud ee magaaladaasi.

Shalay waxaa Boosaaso lagu diley Korneel Cabdikariin Xasan Fardhiye oo ahaa xeer ilaaliyahii maxkamadda ciidamada Puntland.

Boosaaso waxaa maalmahan dambe usoo badanayey falalka amniga ka dhanka ah, waxaana marar badan magaaladaasi  ka dhacay dilal qorsheysan.

Bishan aynu ku guda jirno ee December, waxaa Boosaaso lagu diley Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska Puntland, agaasimahii madaxtooyada Boosaaso iyo sidoo kale xeerilaaliyahii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews