berberatoday.com
Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil: Macalin Wakhti Badan Geliyey La Dagaalanka Jahliga Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
December 26, 2016 - Written by Berbera Today
Madaxweynaha Somaliland Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistee, waxa Shalay Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Nuux Axmed Ismaaciil oo ka mid ahaa Macalimiinta Ruug-cadaaga ah ee Muddada ka badan 50-ka Sanadood wax ka dhigayey Dugsiyada Waxbarashada.
Marxuumka oo bilihii u dambeeyay Xanuun u jiifay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa iyo Gurigiisa oo ku yaalla Hargeysa, ayaa Shalay Geeriyooday, waxaana Geeridiisa ka hadlay isla-markaana Shacabka ka Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxayna labadooduba ku sifeeyeen Marxuumka in badan Noloshiisa ku bixiyey u adeegidda Bulshadiisa, maaddaama oo uu wakhti dheer ahaa Macalin.
Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynuhu u diray Ehelkiisa iyo Shacabka Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa u qornaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka,qoyska, qaraabada, eheladii, asxaabtii, shacabka Somaliland iyo gaar ahaan bahda waxbarashada Somaliland isagoo ka tacsiyadeynaaya geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu ahayd 25/12/2016 (Shalay).
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Macalin door muhiima ka soo qaatay la dagaalanka jahliga, tacab aan la qiyaasi karina u galay dadkiisa iyo dalkiisa. waxaanu ka mid ahaa macallimiintii waa-waynayd ee reer Somaliland, muddo ka badan 50 sanno-na ahaa macallin ka hawlgala dugsiyada waxbarashada dawladda oo uu ka soo saaray aqoonyahan aad u tiro badan.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda waxbarashada, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna Tacsi taasi la mid ah u diray Ehelka iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil, ayaa Dhambaalkiisa ku yidhi, “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo maanta oo taariikhdu tahay 25/12/2016 (shalay).
Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa macallimiintii waawaynayd ee reer Somaliland, waxaannu muddo ka badan 50 sanno ahaa macallin ka hawlgala dugsiyada waxbarashada dawladda oo uu ka soo saaray aqoonyahan aad u tiro badan. Guddoomiyuhu waxa ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa nin wanaagsan oo tacab aan la qiyaasi karin u soo galay dadkiisa iyo dalkiisa.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.”
Berberatoday.com
COMMENTS
|