berberatoday.com
“Wasiir Faratoon Ma Sii Wadi Karo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Wuxuu Ku Soo Baxayaa Wasaaradda Dalxiiska Oo Shaqadiisa Hore Ahayd…”Maxamud Jeeni Yare
December 26, 2016 - Written by Berbera Today

“Anigu haddaan dembi galay oo aan Amni-darro Sool ka abuuray Abaal-marin Hargeysa la iima keeneen ee Sharcigaa la I hor-geyn lahaa, waa la I xidhi lahaa, laakiin…”

“Wasiirka arrimaha guduhu Shaqadii La-talinta ahayd ee Madaxweynuhu ii magacaabay wuu ka hor-yimi, taladaydana Dheg-jalaq uma siiyo iimana jawaabo..” Gobolladii Barigana Xaalad baa ka taagan, Faratoonna inaanu Jamhuuriyadda-ba Joogin baad mooddaa..” La-taliyaha gobollada Bariga ee Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) Waraysi Gaar Ah:

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex oo markii xilkaas uu ka qaaday Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay La-taliyaha gobollada Bariga ee Wasiirka arrimaha gudaha Somalilan Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa Wasiirka Daakhiliga Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon) ku eedeeyey inaanay wax wada-shaqayn ahi ka dhaxaynin, isla markaana uu wax talo ah haba-yaraatee ka qaadan waayey oo uu ka hor-yimi Waajibaadka xilka Madaxweynuhu u magacaabay Jeeni-yare ahaan ee ah talo-siinta Wasiirka ee gobollada Bariga.

“14-ka bishii 8-aad 2016 ayuu Madaxweynaha Somaliland xilkii hore ee Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iga wareejiyey oo uu ii magacaabay La-taliyaha Wasiirka arrimaha gudaha ee gobollada Bariga, Wasiirkaasina waa Wasiirka hadda xilka haya ee Yaasiin-Faratoon. Madaxweynuhu waxa uu hore iigu magacaabay Badhasaabka Sool wuu iga soo beddelay oo Maroodi-jeex buu ii magacaabay, xilkan La-taliyaha Wasiirka markii Madaxweynuhu ii magacaabayna waan soo dhaweeyey.”

“Laakiin, nasiib-darro waxaa noqotay Wasiirkii Daakhiligu hawshii la ii xil-saaray Anigoo Jamhuuriyadda oo dhan Oday ka soo noqday inuu ka gaabsaday talooyinkii iyo wixii Madaxweynuhu ii igmaday. Markaa, dhawaantan Warbaahintaa i weydiinaysay hawshii la ii magacaabay ee La-talinta gobollada Bari ee Wasiirka Daakhiliga maxaad uga talo-siin weyday waxan ka dhacaya gobollada Bariga ee Ceel-afweyn leh, ee Laascanaood oo Sool ah iyo meelo kaleba. Markaa, Anigu wixii aanan qabin waan iska reebayaa, Oday La-taliye loo magacaabay baan ahay, Wasiirka arrimaha gudaha Talooyin waan siiyaa, laakiin Dhag-jalaq iima siiyo iimana jawaabo.” Sidaa ayuu yidhi Jeeni-yare.

Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo aan weydiinnay bal inuu si cad isu dul-taago qaar ka mid ah Talooyinka uu u gudbiyey ee uu Wasiirka arrimaha guduhu dhag-jalaq u siin waayey, qoraal iyo hadal midka ay ahaayeen, waxaanu ku jawaabay; “Waxaa ka mid ah oo talooyinka aan kala hadlay Wasiirka isku-dhacii Beelaha Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, Sool dhibaatooyin badan oo Beelaha iyo waxaa ahayd talooyin baan ka siiyey, kuwo badanna inaan ka siiyo ayaan rabay, laakiin dhag-jalaq iima siinnin. Markaa, maaddaama oo Madaxweynuhu ii magacaabay inaan Wasiirka kala taliyo arrimaha gobollada Bariga Sool, Sanaag iyo Tog-dheer, waxaan caddaynayaa inaanu wax talo ah iga qaadan, waxna iga dhegaysan, wada-shaqaynina naga dhaxaynin Wasiir Faratoon.”

sidoo kale, La-taliye Jeeni-yare mar aan weydiinnay inay Wasiirka iyo isagu is-hor-fadhiisteen oo uu kala hadlay waxa ka qaldan ee uu talooyinkiisa uga dhagaysan la’yahay iyo inuu Madaxweynihii magacaabay cabashadiisa gaadhsiiyey iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “In badan baannu ka wadahadalnay Wasiirka, balse waxaad mooddaa inaanu Jamhuuriyadda-ba joogin. Madaxweynaha oo aan aad ugu mahad-celinayo waan ku socdaa, inaan gaadho oo aan arrintaa gaadhsiiyana waan ku rejo waynahay. Arrimaha Madaxweynuhu ii magacaabay ee La-talinta ah in maalin walba la I weydiiyo maxaad wax u sixi weyday, waxna aan la iga dhegaysanaynin qarsan maayo, Shaqadaydana diyaar baan u ahay, waanan gutaa waajibka Madaxweynuhu I saaray, Qoraal iyo Hadalba waan ugu gudbiyey Wasiirka talooyin badan ee cid baan dhegaysanayn.”

Jeeniyare waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan oo dhinaca arrimaha Beelaha, aanooyinka Qabiillada dhexdooda, is-haynta iyo Abaaroba ka taagan yihiin gobollada Bariga, waxaas oo dhan sidii wax looga qaban lahaana ay ka mid yihiin shaqada Madaxweynuhu u magacaabay ee Wasiirku ka dhegaysan la’yahay, kuwaasoo uu sheegay inaanay badankoodu heerkay taagan yihiinba soo gaadheen, balse uu Wasiir Farotoon taladiisa dhegaha ka xidhay.

Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo aan weydiinnay in gobolka Sool markii uu Badhasaabka ka ahaa falal amni-darro ka taagnaayeen, isla markaana dilal kala duwan iyo qaraxyo ka dhaceen, balse markii laga soo beddelay ee Badhasaabka Hargeysa degganaansho badan laga dareemay Magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, sidaa awgeedna lagu eedayn jiray inuu qayb ka ahaa Amni-darradaa, wakhtiganna in lagu xidhiidhin karo dhacdooyinka is-haynta ah ee uu tilmaamay inay Sool ka soo cusboonaadeen, waxa uu ku jawaabay; “Goblka Sool waan ku dhashay, waan ku koray, waxbaan ku bartay, waan ku dhalay oo Madax baan ka noqday, Nin meesha xundhurtiisi iyo dhashiisi iyo dadkiisi yaallaan gubi karaana ma jiro, Qof ay ka suurawdana ma ihi. Cadaw nagu soo duulay bay ahaayeen wixii dhibka geysan jiray oo Al-Shabaab iyo Alqaacida nagu soo duulay, markii aannu la-dagaallannay ee aannu in badan oo Koonfur laga soo diray qaqabannay oo ay Jeelasha dalka ku xidhan yihiin, ayaa aniga Hargeysa la ii soo beddelay oo Madaxweynuhu Abaal-marin iiga dhigay oo aan Badhasaabkii Badhasaabyada noqday. Markaa, Anigu haddaan fidmo iyo amni-darro wado oo aan dembi galay dawladdu soo imay xidheen oo Sharciga la ima hor-geeyeen illeen anigu Shaqsi baan ahaye ma Caasimadda dalkaa Masuul la iiga dhigi lahaa? Waxaasi wax jiray muu ahayn. Madaxweynuhu Abaal-marin buu iiga dhigay, waanan u hambalyeynayaa, Oday wayn oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan baan ahay, dalkana wanaaggiisa waxaan ku kordhin karo inaan qabto ayaa igu waajib ah, Hargeysa ayaan kaala hadlayaa caawa Gurigaygii Qaranku igu ogaa.”

Gebo-gabadii waxa uu Jeeni-yare Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey oo uu yidh; “Waxaan soo jeedinayaa oo aan Madaxweynaha Sharafta leh u soo jeedinayaa oo aan leeyahay Madaxweyne Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon) Wasaaradda arrimaha guduhu way ku culustay, waana Wasaaradda Rukummada u ah dawladnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, Faratoon Taariikhdiisa haddaad dib u raacdo arrimaha Dalxiiska iyo Soodhawaynta ayuu ku fiican yahay oo ahaa markuu Xamar joogay-ba. Sidaa daraaddeed, Madaxweyne waxaan ku odhan lahaa wuxuu ku soo baxayaa Faratoon Wasaaradda Dalxiiska ee arrimaha gudaha kuma soo baxayo.”

Geesta kale, Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Ciir (Faratoon) oo si aannu Warkan wax uga weydiinno dhiniciisa iskudaynay inaannu wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ama jawaab ah ka helno, ka dib markii uu Taleefankiisa gacanta oo aannu ka wacnay naga qabtay noo sheegay inuu shir ku jiro oo gadaal nagala hadli doono, haddana markii dambe naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu marar badan xalay ka wacnay.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews