berberatoday.com
Wax Ka Baro Shakhsiyadda Abwaanka Caanka ah Ee Xasan Qawdhen Yuusuf Iyo Milicsiga Qeybo Ka Mid ah Xusuusaha Fankiisa!
December 26, 2016 - Written by Berbera Today

Wax Ka Baro Shakhsiyadda Abwaanka Caanka ah Ee Xasan Qawdhen Yuusuf Iyo Milicsiga Qeybo Ka Mid ah Xusuusaha Fankiisa!

Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa hillaadii 1944-kii. Wuxuu ka bilaabay waxbarashadiisii malcamaddii la odhan jirey ‘’ Saqadhi ‘’oo ku taalay hadaanta hargeysa . Dugsiga hoose dhexe isna wuxuu ka bilaabay ‘’School Riis ‘’. Abwaanku kumuu raagin waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ee waa isaga  tagey isagoo fasalka afraad maraaya . Wuxuu shaqadiisii koobaad ku bilaabay ‘’ Boynimo‘’.Intaas ka dib wuxuu noqday Kuug ama cunno sameeye wanaagsan . Xirfadaha kale ee uu bartay kadib waxaa ka mid ahaa ; Darawalnimada iyo turjumidda afafka qalaad maadaamuu waddamo afrika oo dhan uu badankooda maray ay u saamaxday inuu luuqadahooda barto . Fanka iyo hal-abuurnimada waxuu ii sheegay inuu xiisayn jirey isagoo da’ahaan yar . Lagama waayi jirin dhinacyada odayaasha sheekaysanayaa iyo cid kastoo hibo u leh hal-abuurka  . Waxay u yaqaaneen ; nin yaroo nin weyn ah . Abwaanku wuxuu tagey Xamar sanadkii 1961-kii isagoo markiiba ka hawl galay ha’ayadda ‘’ USAID ‘’ .Markii ugu horeysay ee uu wax curiyo gugiisu wuxuu ahaa 23-jir. Wuxuu sameeyaywakhtigaas  hees hirgashay oo uu qaado heesaagii codka macaana ee Maxamed Nuur Giriig AHN. Waa sanadkii 1967-kii.Ereyada heeskaa waxaa ka mid ahaa  meerisyadan ; Meeqaam nin mudan , oo  miiganaa , intaad maamusheen , miidaamiseen , waxaad tahay mid baaso , lay soo maldahayoo , anigana i mudatee . Abwaanka waxa heestaa markiiba ugu xigtay Riwaayad . Way adkayd in nin dhalinyaraa oo ku cusub masaraxa hal-abuurka inuu sameeyo riwaayad dhamaystiran . Waayo waa hawl nin weyn oo fanka muddo ku soo jirey mooyanee aan looga fileyn qof dhalinyaraa  .Riwaayadaas  magaceeda waxaa la odhan jirey ‘’ Annagoo waalan waagu noo beri ‘’ . Waxaa ka qayb qaatay dadyoow tiro badan . Waxaan ka xusi karnaa kuwan ;Maxamed Saleebaan Tubeec Ahn , Axmed Mooge Liibaan AHN , Maxamed Jaamac Joof AHN , Xasan Diiriye , Marwo maxamed, Axmed Good Shimbiriyo qaar kaloo badan . Waxaa ku jirey geeraaro iyo heeso badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin qoraalkooda .Waxaa ka mid ahaa heesihii caanka noqday ee ku jirey riwayadaas  kuwan ; Miidaamo dhego-maleh , hadduu malag dhawaaqee . Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Axmed Mooge Liibaan Ahn .Waxaa kale oo ka mid ahaa ; Diin god gal , good diin gal iyo riyadii xalay , baan rumaystoo , Raaxaan  moodoo , waan riyaaqee .
Waxaa iyadana ku luuqeyn jirey boqorkii codka Maxamed Saleebaan Tubeec Ahn .Waxaa kale oo ka mid ahaa heeskii ; Hambaabir ee uu qaadi jirey Xasan Diiriye .Sanad ka dib ayuu abwaanku allifay riwaayad kale oo la odhan jirey ‘’Ninna waal ninna waani ‘’.Waxay ahayd duurxul ku socotay Kacaankii Jaalle Siyaad   .Waxaa uu abwaanku riwaayadaa ka haa jilaa  heer saraa . Geeraaradii ay iswaydaarsadeen Maxamed Ayax oo markaa ku matalaayay riwaayada gabadh waxaa ka mid ahaa kuwan ;

Xasan Qawdhan ;Waadigan duryamaayee
Kaligaa daldalmaaye
Dabaylaha la hadlaayee
Wixii ku daran sheego
Habaryay daamanka weynli
Alla moodo dimbil sanbuusi ka buuxo
Maxamed Ayax ;Inanyow waxaan dooni
Jacayl aan la dayoobay
Illaa dayrtii shanaad
Halkaa duudka agtiisa
Dilimaha dhabarkayga
Wadaad duugi yaqaanoo
Durbaanka aad u tumi yaqaanoo
Isna dookha I taabinayoo
Alleen waan dawakhaayee

Xasan Qawdhan ;Dee orodoo doono
Sheekh dawashaale
Isaga dube haystoo
Durbaanka aad u yaqaanee
Degdeg yaanu ku dhaafine
Orodoo doono sheikh dawashaale

Maxamed Ayax;Waar rooxaan baan diranaayoo
Badhba soo dalcaayoo
Kolla soo dejinaayee
Xasan Qawdhan ;Alla ilaahay ha ku daayee
Kuwa caawaad dirayso
Dayaxa aan ka warkeenee
Anna doorkan I raaci
Maxamed Ayax ;Dariiqay marayaan
Dahab aan ku daadshee
Haddaad doolar keento
Farriin baan ka daba geyn
Xasan Qawdhan ;Wayahee xaggee baad diintaa
Iyo derajadaa ka heshay   ?
Maxamed Ayax ;Aabahay waa falalow
Hooyaday waa fidmo joogta
Walaalkay waa fadhfadhle
Adeerkay waa fidiye
Anna foox la wareegtiyo
Fiiddad la carawdo
Immisaan inan fiican
Ka fidmeeyay ninkeeda
Intay joogto fagaays
Baabuurta foodhi ku waasha
Waar falaga layguma gaadho

Xasan Qawdhan ; Kuwa fooxa shidaayee
Kuwa faalka dhigaaya
Dadka beenta faraaya
Waxaan ahay fiqi jiitoo
Sida fuudka u laacee
Fooska aad hayso
Kayga maysku soo fasaxanaa
Feedhaha hays ka tumaan

Waxaa riwaayadan ku jirey jilayaal iyo fanaaniin badan .Waxaa ka mid ahaa Muuse IsmaaciilQalinle,Saado Cali Warsame  ilaahay haw naxariisto labadoodabee . Wuxuu ii sheegay abwaanku inuu ka shaqeeyay  siday isku guursan lahaayeen . Wax yar ka dib ayay isguursadeen oo ay ka aqbaleen codsigii abwaanka . Waxay isku dhaleen gabadh kaliya oo markii ugu danbeysay magaalada Burco  ku noolayd .  Riwayadaas waxaa  kaloo ku jirey fanaaniin iyo jilayaal badan . Waxaa kaloo ka mid ahaa Axmed Cali Cigaal, Maryan mursal , ShankaroonAxmed Sagal , Sahra siyaad , Maxamed Ayax  iyo qaar kaloo badan . Waxaa riwayadaas ka mid ahaaheeso badan oo caan ka noqday geyiga soomaalidudegto oo dhan . Waa kuwan qaar ka mid ahi; Ubaxoo dilaacaay ama dardaraan kolba tay bulsahdu u yaqanaan .Waan kuu warramayaa , kaa waaban  maayee naftaydaay  . Iyo heeskan soo socda oo ay wada qaadaan Axmed Cali Cigaal iyoShankaroon  ; Adna gacaladaydaay , aynu guri yagleelee , geestada ila qabo . Ugu danbayntii waxaa ka mid ahaa riwayadaas heeskan la yidhaah ;Jalam-qalam jacaylkuye , soo kan jiirta ila korey , jarka dacalka iga sudhey , ha soo jeedsan igu yidhi; iyo waliba heeskii macaana ee ‘’ ila laba lis caashaqa ‘’ . Intaas oo heesa badankooda waxaa codkii libaax la moodka ahaa ku qaadayey Alle haw naxariisto’e Qalinle.
Waxaan abwaanka waydiiyey markuu halkaas ii marinaayey weraysiga , wuxuu yahay ereygan uu ku bilaamaayo heeskan u danbeeyay ee uu ii tirinaayey . Waa ereygan ah Jalam-qalam . Intaas kadib wuxuu iiga taariikhooday halkuu ka keenay ereygaas iyo qiimaha uu heestan ugu fadhiyo . Kuye …… ‘’ Adeer Axmedoow ; Ereygan aad ii sheegayso waxaa markiisa hore halhays u lahaa abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo aan saaxiib dhaw isku ahayn  . Anna waxay iga ahayd uun buuxin ama waxa la yidhaahdo ; naaxiyad heeseed . Sanadku markuu ahaa 1972-kii ayaa waxay  isaseegeen  abwaanka kacankii madaxa adkaa . Waxaaabwaanka  loo taxaabay jeel . Wuxuu xidhnaa muddo afar bilooda . Waxaa kiis looga dhigey  hees uu sameeyay wakhtigaas  oo riwayadan ku jirtey islamarkaana  uu qaado Axmed Cali Cigaal . Waxaa ka mida ereyadeedii ; Maxaad sheekadeeni ( nacas ) intaad shirisay dumarkii, (doqon ) . Isla sanad kadib wuxuu abwaanku haddana allifey riwaayad kale oo la magac baxday  ‘’ Yaan la waalin jacaylka  ‘’ . Waxayka mid ahayd silsiladi waalida riwaayadihii uu ula baxay . Abwaanku wuxuu fanaaniin kala duwan u dhiibay heeso qumana oo fara badan . Waxaa ugu horeeyay Maxamed Mooge Liibaan Ahn . Wuxuu u dhiibay tiro ba Siddeed heesood . Nasiib darro se wuxuu abwaanku ii sheegay inuu dhintey isagoo laba heesood oo kaliya ka qaaday . Waxayna kala ahaayeen kuwan; Waxay tidhiShabcaantii ,  markii aad shib iga tidhi , shalwatee idiidee , shaydaanka raacdee. Iyo markii aan ladnaadaba , soo haweenku ima luro , lule ima qaataan , laac ima dhigayaan , sow ima lugooyaan , sow ima lugooyaan . ! Heesaha kale uu sameeyay waxaa ka mid ahaa ; gododle waa gaddiisii godale ; Waxaa cod talantaaliya kuwada qaadi jirey faaniinta kala ah Axmed Mooge Liibaan , Xaliimo khaliif Magool iyo  Hibo Nuura . Intaas kadib wuxuu inyar iiga qisooday sababtay ku timid heeskan midhaheedu aanu soo sheegnay  xaggan sarre . Wuxuu i gu yidhi abwaanku ; Nin aanu saaxiib ahayn ayaa wuxuu qabay laba dumara . Labadaas dumara wuu kala qarin jirey oo ismay ogen in nin kaliya wada qabo  . Labadaba waxa uu kala dejiyay laba xaafadood  oo Xamar ku yaal oo waliba  kala duwan .  Marka uu doonaayo inuu masalan u tago mid gabadhaha ka mida oo  degan xaafad heblaayo . Wuxuu ta kale ku odhan jirey;waxaa laga yaaba in aan caawa kaa dhaxo ee sidaas ku ogoow . Wuxuu sidaas ku qababa labadoodii ayaa maalin maalmaha ka mid ah ay is -helay .Dabadeed dar ilaahay ayay isku waraysteen .Waxay ogaadeen in nin kaliya uu  wada qabo labadoodaba .
Waxay ku heshiiyeen in marka uu yimaado mid walba ay si isku mida ay labaduba ugu yidhaahdaan ;  waxaan doonayaa inaad xaafad hebla ii rarto ?. Dabadeed tii uu habeenkaas gurigeeda tagay ayaa ku tidhi ;walaal waxaan doonayaa xaafad heblaayo inaan u guurno ?. Xaafad heblayadaasa ay sheegaysana waxaa degan tii kale ee uu ka qarinaayey beryahaaba . Dabadeed wuu ka maraateeyay oo kuna maaweeliyay inaanay macno sidaasa lahayn xaafaddaasi . Haddana tii kale ayuu u tagay habeenkii kale . Sidii si la mida ayay ku tiraabtay  iyaduna. Isna waa la yaabay labadaas su’aalood ee isku midkaa ee ay waydiyeen .Afkii baa juuqda gabay markan .Wuxuu ku yidhi ; ma jecli inaan u guurno xafaddaas aad sheegayso . Waxay iyaduna u sheegtay inay wax walba soo ogaatay  . Waxay ka codasatay in  hadda uu siiyo  warqadeedi  . Isna kama dul ooyine waa siisay markiiba . Haddana tii kale ayaa iyaduna ku tidhi ; anna isii warqadaydii ?. Iyadana isagoo yaaban ayuu siisay . Muddo yar oo kooban ayuu faramadhnaan haween ku dhacay . Dabadeed intaas ka dib wuxuu u yimid abwaanka oo uga taariikhooday wixii qabsaday . Sidaas ayay ku timid ujeedka heestan gododle waa gaddiisiiiye godadle . Waana mid taabanaysa raga gododlayaashaa wakhti walba oo ay joogaan  .Sanadkii 1962-kii wuxuu Maxamed Axmed Kuluc Ahn u dhiibay hees la odhan jirey ‘’ Ila qabo ‘’ . Sanadkii markuu ahaa  1967-kii  wuxuu isna udhiibey Maxamed Saleebaan Tubeec heeskii ‘’ Dhaqan’’ . Waxaa kale oo ka mid ahaa heesa uu curiyay abwaan Xasan Qawdhan heeso waddaniya . Waxaan ka xusi karnaa heeska ay qaado fanaanadii weynayd ee aan fankaba looga horeyn XAMAR . Waa marwo  Dalays Cabdillaahi . Waxay  heestu ku bilaamaysay ereyadansoo socda ; Hunnu hunnuu hadal maaha , himbriirsii arag maaha  . Heesaha uu sameeyay abwaanku kuwaan marnaba laga caajisin waxaa ka mid ahaa heeskan  ; Jaaheeda nuurka leh , ayaa I jiidanaayee , juuq umaan idhaahdeen , haddaan jari karaaye , joogaaha maqan baan ahee , maqanahaa joogaan ahee. Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Muuse Ismaaciil Qalinle .Kooxdii Waaberi dabadeed wuxuu abwaanku heeso kale duwan oo  badan u dhiibay fanaaniintii iskood isku xilqaamay inay fanka ay sii huriyaan . Waxaa ka mid ahayd fanaandii la yidhaah ; Sahra Cali Xasan oo uu intuu xasuusto laba heesood u dhiibay . Waxay kala ahaayeenna
‘’ Laaga il qabay iyo Raxan reebka caashaqa ‘’ .
Heeso iyo riwaaydu intaas ka badan ayuu leeyahay abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo aanan qormadan ku soo koobi karin ee u baahan dabagal dheeriya in lagu sameeyo . Riwaayadaha aan wakhtiga iyo abwaanka isla waayey waxaa ka mid ah ururintooda ‘’ Jacayl aan jid lahayn iyo jaho loo dhaqaaqo ‘’ Iyo waliba ‘’ Jacaylka waan xidhayaaye yaa xisaab ku lahaa ‘’ Heesaha iyagan aanan helin summadooda waxaa ka mid ahaa heeso ay qaado fanaanada Ikraan Jaamac .
Hees uu  sameeyo oo debadda u soo baxda waxaa ugu danbeysay heeska uu qaadaay ciidii 2015-kii ku beegnayd fanaanka magaciisa la yidhaahdo ‘’ Xasan Gacan  ‘’  . Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf waa nin taariikhdiisa faneed weyn tahay islamakaana baaxaddeeda leedahay . Waxay u baahan tahay ururin mug leh . Waxaa laga samayn karaa dhigaal ( Buug ) qurxoon oo ummada Soomaaliyeed dhaxal iyo hanti ay leedahay u noqda . Abwaan Xasan Qawdhan hadda wuxuu degan yahay dalka Iswiidhan . Wuxuu abwaanku yeeshay afar xaas isagoo eebbe uga calfey ( 5 , 2 , 1 ,1 ) caruur ah . Caruurtu dhalay ayaa caruuro sii leh . Waa awoow abwaanku hadda .Wadarta wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen immika waa ( 25 ruux ) . Waxaan ka cudur daaranayaa  isagoo muddo laga joogo’’ 16 sanno ‘’ aan isnaqaaney oo dabadeed aanan wax badan oo taariikdiisii faneed ah ka qorin ama ka guntin  . Waxaan ahayn muddadaas isku masjid iyo isku majlis . Waxaan ka dheefay ereyo iyo odhaahyo buurta daalo ka culus . Se waxaan ku faraxsanahay  in maanta qayb ka mid ah aan idiin la wadaago taariikhdiisii faneed . Waxaan ku soo gabegabynayaa  qormadaydan kooban duco aan hawada u marinaayo adeero Xasan Qawdhan Yuusuf . Waxaan leeyahay ; Adeer ilaahay waxaan kaaga baryayaa caaafimaad iyo cimri dherer iyo cibaado suuban  . Sidaad afkeenii iyo fankeeni aad ugu u hiilisayna alle ha kuugu hiiliyo aakhiro  , jannadana ha kugu casuumo Inshalaah Aamiin Aaamiin ………….. !

W/Q ; Axmed Cabdi Xasan (Axmed Karaama)
Iimayl: Karaama 477@gmail.com
Hargeysa, Soomaalilaand.

abwaan-xasan

 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews