berberatoday.com
Xukuumada Somaliland Maxay Ka Tidhi Magaca Uu Balli-dhiig Ka Beddelay Madaxweynaha Killalka Shanaad iyo Socdaalkiisii Xadka?
December 26, 2016 - Written by Berbera Today

Ina IlayHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa ka hadlay Socdaal Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar dhawaan uu ku maray  deegaannada ku yaalla Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo magicii hore ka beddelay degmada Balli-dhiig oo uu u bixiyey Balli-Janno toddobaadkii hore markii uu ku guda-jiray Socdaalkaas oo uu sidoo kale Caawimo ku gaadhsiiyey Dadka deegaannada uu maray ku yaalla.

Cabdirashiid Riyo-raac Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha Somaliland oo shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha waxaannu ku kulannay magaalada Coodaale oo aannu isku aragnay, magaalooyinka qaarna way innaga dhexeeyaan, qaarna waynu kala leenahay. Immika Balli-dhiig, Coodaale iyo Buuhoodle waa magaalooyin innaga dhexeey oo qaybina Itoobiya tahay, qaybina ay Somaliland tahay. Markaa, runtii Anigu Safarkiisa (Madaxweynaha Killalka Shanaad) umaan arkayn mid Siyaasadeed, waxaan u arkayay Abaar,  Kormeer iyo Raashin uu qaybinayay iyo sida uu ula hadlayay oo dhibaatada ayuun buu ka soo gurmaday, waanan uga mahad-naqaynaa.”

Mar uu Cabdirashiid Riyo-raac ka hadlayey magaca Madaxweynaha Killalka Shanaad ka beddelay Balli-dhiig, waxa uu yidhi; “Magacyadu dhib wayn ma leh oo meesha dadka ka dhaxaysa in labada dawladood isla qaatan oo haddii uu isagu ku horreeyay aannu isla eegno ama aannu diidno ayaa meesha imanaysa ama aannu laba magac aannu ku kala haysanno, magaalada waynu kala leenahay illayn oo magaaladu way kala badhan tahay (Xadkaa dhex-mara).”

Sidoo kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyo-raac wuxuu ka hadlay xannuuno ay sababeen Abaaraha baahsan ee jira dalka oo ugu horreeyo Shuban-biyoodku, waxaanu yidhi; “Runtii dadku marka dabaceedda uu ku nool yahay uu beddelo iyo marka Biyo aanu cabbi jirin cabbo ama meel kale tago shuban wuu jiraa oo wuu iska dilaacayaa, Aigu aagaggaa maan tagayn, laakiin warkooda waan hayaa in degaannada Ceel-afweyn uu Shubanku ka dillaacay.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews