berberatoday.com
Cali Khaliif Galaydh Oo Markii U Horreysay Qiray Ahmiyadda Ciidammada Qaranku U Joogaan Gobollada Bariga Iyo Waxa Dhici Kara Haddii Laga Saaro SOOL
December 27, 2016 - Written by Berbera Today

“Haddii Ciidankaasi (Qaranka) Magaaladeena Laascaanood ka baxo oo uu Oog tago, yaa ballan qaadaya in aanay Lix qabiil oo Dhulbahante ahi lababa aanay gaar iskula baxayn oo aanay is dhameynayn…” Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa si adag uga hadlay ahmiyadda heshiiska Somaliland iyo Khaatumo iyo joogitaanka ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Sool u leeyihiin Dadka ku dhaqan deegaannada bariga Somaliland, gaar ahaan deegaannada oo Dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Cali Khaliif waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin cid kale oo aan Somaliland aheyn oo oggol wada hadal iyo waliba in aanay dadkiisu is xukumi Karin oo ayna samaysan Karin maamul u gaar ah.

Cali Khaliif Galeydh ayaa hadalladani ka sheegay xilli uu la hadlaayey dad tiro badan oo isugu yimi goob xaflad ah, waxaanu ugu horreyn ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Khaatumo waxaanu yidhi “Wixii laga gaadhi doono waa meesheeda, waxaase annaga noo muuqata laba arrimood, cid kaloo diyaar u ah inaanu wada-hadalno ma jirto, Xamar ma oggola oo hadda weli waxa laga daba ordayaa waa laba kursi oo aqalka sare ah”.

Waxa kaloo uu intaasi ku daray “Waar Maamulkaasi (Somaliland) haddii aanu noqono laba maamul oo deris ah oo dan baa iskaaya baddaye aanu ku heshiino, waa ayo?, cidda wax badani ka maqan yihiin, waa innaga, cidda dhimatay ee la dhacay oo wax la dhaco waxa ugu weyni waa dhulka’e waa innaga, waar ama xabad ayaa la inagaga qaadayaa amase sida uu geedigu u socdo ayaanu aragnaa oo waxa cusub ee soo kordhay waa Udubkii oo tikniko watta oo sharciyadna watta, ileyn dad halkan ah oo Shabaab ah oo Nabad-diid ah weeyi waxaanu halkan ku haynaaye, waar Maamulka aanu annagu rabnaa waa haddii innaga laynaga helo, waa oo aynu is xukumi karno”.

Cali Khaliif wuxuu khudbaddiisa ku soo daray joojitaanka Ciidammada Qaranka ee Aaggaga bariga Dalka oo ka mid ah Qodobbada heshiiska Somaliland iyo Khaatumo, “Qodobka ugu weyni waa Ciidamadiina nagala baxa, waxaanan sida aan wedkayga u hubo u hubaa, haddii aynu ula tagno wax qanciya, oo Ciidankaasi Magaaladeena Laascaanood ka baxo oo uu Oog tago, yaa ballan qaadaya in aanay Lix qabiil oo Dhulbahante ahi lababa aanay gaar iskula baxayn oo aanay is dhameynayn, sidii oo ay ciyaar ciyaarayaan, iyadoo Dhulbahante badani uu qabo annagu aanu is Xasuuqno ee iyagu hana dhaafeen, kuwaasina waa qayrul mas’uuliyiin, waxaanan leenahay waar ma yeelayno, waar waxaanu dadka u soo bandhigaynaa hawsheena haddii aynu hannan karno Nimankaasi waa innaga baxayaan Cissi, Sharraf iyo laba Maamul oo simmana waa noqon karnaa, waar hooy, haddii aynaan innagu Istaahillin oo aynaan is xukumi Karin, ileyn waxani waxaanu qarinayno maahee, Annaga waxa naga ballan ah wixii shirarkaa lagu qabto ee lagu heshiiyo inaanu qodob qodob u qaadno oo dhulkan aynu degno ilaa Ceerigaabo la geeyo oo wixii ku qanci kara lagu qanciyo, wixii tallo la barbar dhigi karo ee ka habboon keenana waa ballan, waa dhegaysanaynaa oo waa qaadanaynaa oo waa la golle tagaynaa, waxa igu maqaalo ah oo ay arrintii kusoo ururtay in La leeyahay Nimankii waxay u eeg yihiin dad aan farsamadan iyo arrinkan waa laga caqli badiyoo waa la khiyaameynayaa oo wixii qolladii SNM-tu samayn kari waayeen oo ay dalka ku qabsan kari waayeen oo ah Maamul fidin ama Maamul daadejin, waar annaga ayaa qodobkaasi geynay meesha, waxaanu uga jeednaana waa haddii innagu Maamulkeena dhisanin maaha Maamul ka yimi Hargeysa, Burco iyo Saylac, waayo? Inta Arday jaamacadaheena ka baxday ee meehanaabaysaa way badan yihiin, markaa waa in Maamul la helaa”.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews