berberatoday.com
Eng. Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Colaad Uu Somaliland U Soo Jiido Saldhig Imaaraadku Ku Yeesho Berbera Iyo Heerka Qabyaaladdu Mareyso Oo Uu Ka Dardaar-weriyey
December 27, 2016 - Written by Berbera Today

“Maamulka Maanta talada hayaa wuxuu Xoog badan saaray Xagga Qabiilka Mucaarad iyo Muxaafidba…..” Wasiirkii hore Ee Maaliyadda Somaliland

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa Shalay, ayaa ka hadlay arrimo badan oo Dalka ka jira.

Warka Maxamed XaashiEng. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu si faahfaahsan uga hadlay Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysato Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, waxaanu ku taliyey in Xukuumaddu joojiso Heshiiska ay doonayso inay Imaaraadka ugu ogolaato inuu Saldhig ka samaysto Berbera, iyagoo tilmaamay inay arrintaasi khatar ku tahay jiritaanka Somaliland, maaddaama buu yidhi uu sababi karo in Quwadaha Adduunku ku dul-loolamaan Somaliland.

“Uma baahnin Saldhig Ciidan oo ay Ciidamo ku loolamaan oo ay isku laayaan, Magaceena ayaa ku dhimanaya, Geeska Afrika ayayna dantiisa ahayn, markaa yaynaan Saldhig isku furin, Waayo? Waxaad mooddaa in Dagaalkii Qaboobaa soo noqonayo oo loolan jiro, loolankaa wixii inna geeyaaba waa Waalli.” Ayuu yidhi, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Madaxweynaha, “Madaxweynaha iyo inta ku hareeraysan waxaan leeyahay Magaca hala ilaaliyo, Jiritaanka Somaliland-na wuxuu ku xidhan yahay in laga waantoobo Saldhig Ciidan (Oo Berbera laga furo) oo Colaad inna geliya, Carab is-urursanaysa ha ahaato ama Dalalka jaarka ha ahaadeen ee uma baahnin Maanta in Dhulkeena Fidmo ka dhacdo. Markaa Madaxweynaha waxaan leeyahay Muddadaa kooban ee kuu hadhay haka tagin meesha Somaliland buu burburiyey, ee ka tag Somaliland dhisan oo aan Saldhig Ciidan lahayn, oo aan lagu loolamayn.”

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa wuxuu is-waydiiyey in Imaaraadku uu Ictiraafi karo Somaliland, “Kuwa Saldhigga Ciidan ina waydiisanayaa Ictiraaf miyey inna siinayaan? Waa Su’aal meesha taalla, haddaanu Ictiraaf haynin oo aanaan Berri kala Dacwi kareyn Qaramada Midoobay maxaa ii geynaya?. Markaa Madaxweynaha waxaan leeyahay Muddadaa yar ee kuu hadhay Ceebta Dalku yaanay ku raacin, arrintaana ka hadal oo Dadka u sheeg halkaad ka taagan tahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka digay Heerka Qabyaaladdu ka mareyso Somaliland, “Waxaad Mooddaa in Reernimadii Cirka mareyso. Qabiil iyo Qaranna meel ma wada galaan, dhallinyarada qaarkoodna siday wax u wadaan marmar baad is odhanaysaa Dagaal sokeeye ayay keeni kareysaa, Waayo? Waxa Warbaahinta laga sheegayaa Reer Hebel baa ku soo duulay reer Hebel oo sidaa u galay, markaa waa kicin, markaa Cid ay tahayba waa la innagu dhex jiraaye aynu iska shaandheyno, oo Arrintaa Qabiilka aynu ka odhanayno iska yareyno oo aynu ka waantowno intaynu kareyno oo aynu Qarannimada ku soo noqonno. Maamulka Maanta talada hayaa wuxuu Xoog badan saaray Xagga Qabiilka Mucaarad iyo Muxaafidba, Arrintaasina meel inna gaadhsiin mayso.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews