berberatoday.com
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Kormeeray Cusbitaalka Guud Ee Burco Oo Lasoo Gaadhsiiyay Dad Abaartu Saamayn Caafimaad Ku Yeelatay
December 27, 2016 - Written by Berbera Today
cisbtalkaaBurco(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbul xaakimka KULMIYE ahna Murrashaxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi  oo ay weheliyaan xubno ka Tirsan Xukumada iyo Saraakiil ka mid ah Xisbiga KULMIYE  ayaa maanta kormeeray Cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo lagu daweynayo dad reer guuraa ah kuwaasi oo xaalado caafimaad oo kala duwan  ay ku yeelatay Abaaraha ka jira Somaliland .
 
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi , Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamud Cali Saleban  Ramaax , Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yusuf Muraad  , Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo madax kale  ayaa Cusbitaalka ku booqday dad reer guuraa ah kuwaasi oo u badan dumar iyo caruur oo Nafaqadaro darteed loosoo gaadhsiiyay Cusbitaalka  guud ee Magaalada Burco.
Weftiga ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka iyaga oo Warbixino ka dhagaystay maamulka guud ee Cusbitaalka Burco iyo dakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka.
Xaaladaha Abaareed ee ka jira gobolada barriga Somaliland ayaa saamayn xoogan  ku yeeshay  dadka xoolo dhaqatada ah kuwaasi oo wakhtigan ku sugan xaalad  adag oo abaareed,  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Cusbitaalka Guud ee Burco maanta  ugu deeqay 50 Neef oo adhi ah kuwaasi oo guddoomiyuhu ugu talo galay dadka xanuunsanaya ee Cusbitaalka u jiifa Xaaladaha Caafimaad.
 Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer Xasan Cabdillaahi Axmed  ayaa deeqdaasi ka kooban 50 neef ee adhiga oo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u wakiishay ku Wareejiyay maamulka Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco iyo iyadoo maamulka Gobolka Togdheer goob jog ka ahaa.
Ss
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews