berberatoday.com
Maamulka Puntland Oo Gudaha Somaliland Ka Furey Mashaariic Ay Caawinteeda Leeday Hay,adda WFP Iyo Mooganaanta Xukumada Somaliland
December 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gudaha Somaliland gaar ahaana deegaano ka tirsan Gobolka Sool ka bilaabay hawlgalo ay ka taageerayso hay’adda WFP.

wfp

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee maamulka puntland Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Karaash) ayaa deegaanka Tukaraq oo qiyaas ahaan 53Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka furey mashruuc maamulkaasi ugu magac daray wax ka qabashada abaaraha .

Shan kun oo qoys ayaa loogu tala galay mashruucan in ay ka faa’idaystaan kaas oo ay ku deeqday hay’adda cuntada aduunka ee WFP (United Nation World Food Programmew) kaas oo guud ahaan laga bilaabay deegaano badan oo hoos yimaada gobolka Sool oo ay kamid tahay deegaanka Tukaraq.

Wasiirkii  daah furayay mashruucan ee lagu magacaabo Axmed cilmi Cismaan)Axmed Karaash) ayaa ka dhawaajiyey in deeegaanka Tukaraq ka tirsan tahay maamulka Puntland isaga oo sheegay inay maamulka Puntland ay deegaankan Tukaraq u noqon doonto xarun  laga caawiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii u danbeeyey gudaha dalka somaliland ka waday faro galin qaawan,iyada oo ay xusid mudan tahay in dhawaana ay magaalada Laascaanood  ku dhex sugnaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi Puntland.

Dawlada Somaliland gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha somaliland ayaan iyadu ilaa hadda ka hadal faro galinta qaawan ee ay maamulkani ka dhex wadaan gudaha dalka Somaliland.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews