Madaxweynaha Cusub Ee Mareykanka Donald Trump Oo Eedeyey Qaramada Midoobey Kuna Sifeeyey .
December 27, 2016 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Qaramada Midoobay in ay tahay murugo socota.

Qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ayaa Trump ku sheegay in Qaramada Midoobay oo noqon kari lahayd mid wax tartaaa ay noqotay gole ay iskugu yimaadaan dadku oo ku haasaawaan wakhti fiicanna ku wada qaataan.