Sir Fakatay”Xisbiga UCID Oo Hanbalyeeyey Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Dawlad Xamar
December 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu hanbalyeeyey mid ka
mid ah xildhibaanada Cusub ee baarlamaanka aqalka hoose ee dalka Somaliya

Yuusuf Kayse Cabdilaahi xoghayha warfaafinta xisbiga UCID ayaa waxaa uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka Bulshada ee Facebook qoraal iyo sawir wada socda oo uu ku hanbalyeynaayo mid ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee dalka Somaliland oo lagu magacaaabo Xildhibaan Biixi Iiman Cige .