Wadooyinka Ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho Oo Xidhan Iyo Dadweynaha Oo Lugeynaya+Sababta Loo Xidhay (SAWIRRO)
December 27, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Maanta waxaa inta badan xiran waddooyinkii ugu muhiimsanaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo gaadiidka dadweynaha, waxaana waddooyinka qaar iyana loo diidayaa dadka shacabka ah.
Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ayaa ah kuwo si caadi ah u shaqeynaya, balse wixii ka dambeeya wadada Wadnaha ayaa jid walbo waxaa lagu jaray ciid badan.