berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Heegan Culus Xalay Gelisay Ciidamada Qaranka Ee Jiidda Gobolka Awdal Iyo Sababta Loo Galiyay Heeganka
December 28, 2016 - Written by Berbera Today
suldan-wabar-310x267Boorama(Berberatoday.com)-Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadd Somaliland ee ku sugan Nawaaxiga Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa Xalay heegan Culus la geliyey. Kaddib markii laga war helay Suldaan Abubakar Cilmi (Wabar) oo la sheegay inuu Dhaqdhaaq Shaki badan dhaliyey  oo ciidan Beeleed ka waddo meel aan ka foggay Xadka Somaliland, isla markaana gudaha Maamulka Kiliilka Shanaad ee Itoobiya raacsan.
 Sidoo kale, Ciidamada Booliska iyo kuwa qaranka ayaa raacdo ugu jiraa baadi goobta Suldaankaas iyo shaqsiyaad taabacsan. Iyadoo gudaha magaaladda boorama Xalay (cawa) laga dareemaayo dhaq dhaqaaq ciidan oo aan looga baran. 
Dhinaca kale, Madaxtooyadda ayaa la sheegay inay ku war heshay Warkii Xalay ay Baahisay Shabakadan Xogreebnews ee ahaa inuu Suldankii nabad diidka ahaa Wabar oo wata Ciidamo uu soo gaadhay Duleedka Degmada Harawo ee Gobolka Awdal, isagoo dadweyne kala hadlay Tuulo lagu magacaabo Dhar-wanaaje. 
Isla markaana shalay gelinkii dambe uu Suldaankaasi dhawr tuulo oo aan Xadka ka foggayn safar iskugu marayn. Ma jiro war ay si rasmi ah Xukuumadda Somaliland uga soo saartay arrimaha nabad gelyo xumida u eg ee Suldaan Wabar ka wado duleedka Boorama. Hase yeesha ilo wareedyo xuuraankoodu fog yahay ayaa shabakadda Xogreebnews usoo xaqiijiyey inuu Suldaankii Nabad diidka ahaa Ee Wabar iyo shaqsiyaad Ciidamo ah oo u wataa ku sugan yihiin Tuuladda Dhar wanaaje. 
 
Si kastaba ha ahaatee, Suldaan Abubakar Cilmi Warab ayaa ahaa shaqsi dagaal ogge ah, kasoo bilo yar uun ka hor Ciidamada qaranka Somaliland ka saareen duurka oo uu kula jiray Ciidan beeleed waxyeelooyin kala duwan u gaysan jiray Shacabka reer Awdal, isla markaana Ciidamada qaranka ayaa guul kasoo hooyey hawlgaladaas waqtigii hore kula dagaalameeb nabadiidka Suldaan warab. La soco wixii kasoo kordha.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews