berberatoday.com
Cali Guray Oo Cay Aan Looga Baran Siyaasiyiinta Ku Cashariyey Farshaxan Aamin Caamir, Kuna Eedeyey XIsbiga Waddani Inuu La Shaqeeyo “Kan Aabihiina Carab Reer Beexaani Ah Buu Ahaa Hooyadiina Sharmuuto Reer Shangaani Ah Bay Ahayd”
December 29, 2016 - Written by Berbera Today

 

“waxaynu u soo qaadan karnaa Amiin Arts oo si foolxun oo qaawan weliba runtaba ka fog oo been cad ah ugu hiiliya WADDANI iyo Musharaxiisa Mudane Cabdiraxmaan Cirro isaga oo intaa caayaya Somaliland ilaa Madaxwaynaheedana aan wax uu ula hadhaa aanay jirin. Markaa, gari Allay taqaane miyaan laga shakiyi karin ama la is waydiin karin sababta. Ilayn isaga oo neceb Somaliland oo jiritaankeeda ka soo horjeeda ayuu hadana si gaar ah cid gaar ah ugu ololeeynayaa uguna ololaynayay labadii sanadood ee ina dhaafay eh. Taageerada cadawga Somaliland ma lagu kasbi karaa taageerada shacbiga Somaliland”.siyaasi Cali guray
Hargeysa(Berberatoday.com)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa calamatul su’aal geliyey wada shaqeynta xad dhaafka ah ee ka dhaxaysa Xisbiga Waddani iyo Farshaxanka caanka ah ee Somaliyeed Mr. Amiin Caamir. Siyaasi Cali guray ayaa sheegay in Sammeeyaha sawiir gacmeedka ee Aamin Camiir yahay shaqsi Xisbiga Wadddani ku taageeray Mabda Soomaali weyn. Sidoo kalena Muj. Cali guray waxa uu si toos ah u aflagaadeeyey Farshaxank caanka ah ee inta badan ka Fallooda amase sawiirka sammeeya dhacdooyinka ka dhaca geyiga soomalida. 
Sidaasna waxa uu ku sheegay Cali guray qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook. Qoraalkaas ayaa u qornaa sidan.
 
“Tuhunka iyo shakigu marar badan ayuu gar yahay oo waa marka aad aragto wax ku shaki gelin kara. Sida aynu ognahay mushariixiinta u tartamaysa jagada madaxwaynuhu labaduba waa muwaadiniin xaq u leh in la doorto iyo in ay wax doortaan.  Waxa waajib ah inay helaan saaxad ay ku tartami karaan iyaga oo u siman. Codbixiyayaasha u kala codaynaya musharixiinta tartamaysaa dhamaantood waa muwaadiniin Somaliland ah oo xaq u leh codbixinta. Hadaba waxa yaab leh dadka aan u dhalanin Somaliland ee ka soo horjeeda goni-isu-taaga Somaliland ee neceb guusha Somaliland ee Somalia in ay si qaawan ula soo saftaan mid ka mid ah musharaxiinta tartamaysa oo ugu hiiliyaan af iyo adinba. Waxa la is waydiin karaa sababta cadowga Somaliland ay sidaa u yeelaan iyo danta ay ka leeyihiin iyo dabcan xidhiidhka ka dhexeeya cidda ay taageersan yihiin iyo heerka uu gaadhsiisan yahay. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa Amiin Arts oo si foolxun oo qaawan weliba runtaba ka fog oo been cad ah ugu hiiliya WADDANI iyo Musharaxiisa Mudane Cabdiraxmaan Cirro isaga oo intaa caayaya Somaliland ilaa Madaxwaynaheedana aan wax uu ula hadhaa aanay jirin. Markaa, gari Allay taqaane miyaan laga shakiyi karin ama la is waydiin karin  sababta. Ilayn isaga oo neceb Somaliland oo jiritaankeeda ka soo horjeeda ayuu hadana si gaar ah cid gaar ah ugu ololeeynayaa uguna ololaynayay labadii sanadood ee ina dhaafay eh.
Taageerada cadawga Somaliland ma lagu kasbi karaa taageerada shacbiga Somaliland mise waaba lagu waayi karaa oo shaki ayay ka qaadi karaan?
Anigu waxan qabaa taageeradda kuwa neceb jiritaanka Somaliland ee intaa la dagaalanayaa in wax ay yeesho mooyee aanay waxba u taro karin cidda ku faraxsan ee moodaysa inay wax u tari karto. Waxaba laga yaabaa in ay uga jeedi karaan isku dir iyo kala shaki gelin Somaliland dhexdeeda ah hadii ay sidaa tahayna ilaa iyo xad waxan odhan karaa way u shaqaysay.
Sidaa daraadeed anigu waxan ku talinayaa in laga feejignaado farogelinta cadawga Somaliland ee doorashooyinkeena ugu yaraan waxaynu ognahay in ka madluunsan yihiin heerka doorashooyinka tooska ee aynu gaadhnay balse iyagu ay ku fashileen inay gaadhi karaan. Cadowgaagu ha u fadhiyin in marna uu taageero wanaagaaga iyo guulaha aad gaadho waayo isaga waxa guul u ah adiga guul daradaada waana ta uu kula doonayo…Waar anigu muwaadin Somaliland ah uu Madaxwayne u yahay baan ahay. Kan aabihiina Carab reer beexaani ah buu ahaa hooyadiina sharmuuto reer shangaani ah bay ahayd baa maanta nin Xamar igala soo hadlay ii sheegaye ka daafacayaa muxuu daafacayaa. Kartuunadiisu Ololaha Kulmiye iyo Ka Waddani bal ka ay wax taraan baynu eegi. Hadii uu yahay nin Somaliland jecel Waddani bay wax u tari hadii uu yahay nin neceb Somalilandna kulmiye ayay wax u tari”.
Mujaahid Cali Guray

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews