berberatoday.com
Xildhibaan Kamida Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Hadda Soo Bandhigay Miisaaniyadii 2016 Dawlada Hoose Ee Burco Isticmaashay Iyo Musuq-Maasuq Balaadhan Oo Miisaniyadaasi Uu U Gaystay Maayar Maxamed Muraad
December 29, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdirisaaq Aar Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Maanta Si Toos Ah Bogiisa Uu Kuleeyahay Facebooga Ku Shaaciyay Miisaniyada Dawlada Hoose Ee Degmada Burco Isticmaashay Sanadkani Sii Galbanaya Ee 2016 Waxaana Uu Xildhibaanku Shaaca Ka Qaaday In Uu Maayar Maxamed Muraad Guud Ahaanba Uu Miisaaniyadaasi Inteedii Badnayd Musuq Maasuqay Waxaana Uu Xildhibaan Abdirisaaq Aar Oo Arrimahaasi Ka Hadlayaa Uu Yidhi AAN IDINLA WADAAGO KHALADAADKA IYO MUSUQMAASUQA KA MUUDA MIISAANIYADII KHARASHAADKA 2016 EE DAWLADA HOOSE EE BURCO Kharashka Guud ee Dawladda Hoose ee Burco: Kharashka Guud ee ay D/hoose D/Burco ay isticmaashay ama ay bixisay laga soo bilaabo 01/01/2016-30/06/2016 uu dhammaa 8,774,710,865.76 S/Land shilling ah. Kharashka Guud marka aannu si dhab ah u baadhnay waxaanu aragnay in uu Kharashkaa Guud isticmaalistiisa iyo bixintiisuba ay yihiin kuwa Qayrul caadi ah oo ka baxsan ama baal marsan miisaaniyadii 2016 ee goluhu ansixinay. Kharashkaas oo ah mid daba furan oo aan lahayn wax tashiil ah habayaraatee, iyada oo uu ku talo galkii dakhligii soo xeroodayna uu hoos udhac ku yimid. Kh/Guud oo Gabi ahaanba ka koobnaa foojaro iyo qaansheego keliya oo isku lifaaqan, oo aan lahayn wax documentiyo ah oo kharash garayneed ama kuwa xisaab cilineed toona, Kharashkan oo aan gabi ahaanba la waafajin Miisaaniyada iyo Xeerarka Nidaamka u dejisan in loo maro kharash Bixinta. Is barbardhiga Qaybo ka mid ah Kharashka baxay, Odoroska Misaniyada iyo hadhaaga. Waa kharashka gabogabada ku dhow muda Lixda bilood ah Noocayada Kharashka…Odoroska..Kharashka..Hadhaaga % 1. Kh.Hawl socodsinta 59,860,000..46,358,000.13,502,000. 23% 2.shiidaalka, saliida 801,203,272…916,249,293 -15,046,021 -14% 3.tabaradada shaqaalaha 50,000,00.. 50,000,000..0 0% 4.stationary 116,609,778 101,588,185 15,021,593 13% 5.dayactirka gaadiidka.700,000,000..614,173,500 85,826,500 12% 6.boosaha iyo isgaadhsiinta..105,059,160…99,240,245 5,818,915 6% 7 sahay safar 70,000,000 70,000,000 0 0% 8 xayeysiisyada 20,000,000 20,000,000 0 0% 9martiqaadyada 80,000,000 78,950,330 1,049,670 1% 10 kharashka joogtaynta iyo hagaajinta 117,142,133 68,277,564 48,864,569 42% 11 kharashka hawl socod siinta nabadgalyada 258,660,000 205,708,160 52,951,840 20% Total 2,378,534,343 2,270,545,277 107,989,066 5% Shaxdani waxa ay ku tusaysaa is barbardhiga kharashka baxay mudada lixda bilood ah iyo miisaaniyada 2016 golaha deegaanka ansixiyey iyo wax ku hadhay miisaaniyada ahaan madex xige kasta ee kharash yadan iyada oo sanad kiina kala badh yahay. Qaybahan Kharash ee sida xad dhaafaka ah loo isticmaalay mudadii lixda bilood sanadkan aynu ku jirno dhamaantood aanay ahayn kharash ku baxay dhinaca horumarinta oo ay bixiyeen maamulka dawlada hoose ayaa ha mid gabogabo ku dhaw oo aan lagu dabooli karin lixda bilood ee dambe ee sanad kani ka hadhay. Wax ka yar 5% ayaa ka nool miisaaniyadii loogu talo galay sanadka oo dhan in la isticmaalo, hada waxa marag madoon ah sida uu maamulka dawlada hoose ee burco aanu u lahay wax dabar ah oo xakameeya isla markaana uu siduu doono ugu tagri falayo hantidii umadu noo dhiibatay ama noo dooratay. waxaan ku xigsiin doonaa insha alaah miisaaniyada qaybteedi horumarinta iyo sida iyana loo isticmaalay waxaan ku sii xigsiin doona musuqmaasuqa fulinta dawlada hoose ku sameeyeen dayactirkii xabaalaha octobar

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews