Iiraan Oo Hub Culus Xuutiyiinta Yeman U Soo Marisay Dekadda Boosaaso
December 29, 2016 - Written by Berbera Today
Bosaso(Berberatoday.com)-Baadhitaan uu sameeyey telefishanka Al-Jazeera oo todobaadkan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in dawladda Iran ay Xuutiyiinta hub culus u soo marisay dekadda Boosaaso.Baadhitaankan oo ku saabsanaa sidii ay Xuutiyiintu kula warergeen hubkii cuslaa ee dawlada Yeman markii ay qabsadeen caasimadda Sanaca horaantii sanakii 2015 ayaa waxa Al Jazeera u suurtoobay inay hesho xogo tilmaamaya in Iiraantiyiintu ay adeegsadaan qaar ka mid ah dekadaha ku yaala xeebaha Badda Cas si ay taakulaynta hubka ugu tahriibiyaan Xuutiyiinta Yeman ee dhinaca badda iyo cirkaba ay ka go’doomiyeen ciidamada Khaliijku tan iyo markii uu bilasbmay dagaalka Yemani sanadki la dhaafay.Xogaha ay Al-Jazeera ay baadhitaankan ku ogaatay waxa ka mid ah in Xuutiyiintu ay haystaan gantaalo gaadhaya 800 km(ballastic missiles) kuwaasoo ay rideyaal ka yihiin saraakiil reer Iiraan ah maadaama aanay Xuutiyiintu laheyn aqoonti farsamo ee ay kaga shaqaysiin lahaayeen.