berberatoday.com
Madax-dhaqameedka Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Dhagaro Ay Kaadiriinta WADDANI U Qorsheeyeen In Wasiir Caddaani Lagu Khaarijiyo
December 29, 2016 - Written by Berbera Today

Caaqilka Deegaanka Uu Kasoo Jeedo Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey  Dhagaro Ay Kaadiriinta WADDANI U Qorsheeyeen In Mr. Caddaani Lagu Khaarijiyo

Gudaha Ka DAAWO Oo Ka Dhegeyso Xog-is-weydaarsi  Ay xubno Dabada Ku Haya Xisbiga WADDANI Kaga Arrinsadeen Sidii Shirqoollo Dhagaraysan Loogu Khaarijin Lahaa Wasiirka Warfaafinta Iyo Sababta Ay U Qorsheynayaan

 

Hargeysa(Berberatoday.com)- Madaxda dhaqanka iyo haldoorka beesha uu ka soo jeedo wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa si adag uga jawaabay hadallo shirqoollo dhagaraysan oo si sir ah uga soo yeedhay masuuliyiin ku abtirsada xisbiga WADDANI kuwaasi oo ku hanjabay in ay khaarijin doonaan Wasiirka.

Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Canjeex) oo ah Caaqilka deegaanka Cali Ciise ee uu kasoo jeedo wasiir Caddaani ayaa xalay si adag uga jawaabay haddalladaas oo aallada Watsappka ay isku waydaarsadeen xubno sheegtay in ay ka soo jeedaan beesha guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaana ay taageerayaasha xisbigaasi yihiin. Xubnahani waxaa ay ku goodiyeen in Cismaan Cabdillaahi Saxardiid uu dambarsan doono taageerada uu la garab taagan yahay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna musharraxa xisbigaasi Md. Muuse Biixi Iyaga oo xubnahani sheegay in halka uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay xisbul xaakimka ay doonayaani n uu taageeradiisa u soo wareejiyo xisbiga WADDANI iyo Musharraxiisa.

Halkan Hoose ka dhegeyso hadallada dhagaraysan ee ka soo yeedhay xubnahan oo si sir ah uga fakaday laguna baahiyey baraha Youtube-ka, waana kuwan iyaga oo hadallo is weydaarasanaya xubnaha hanjabaya.

Jawaabta Caaqilka Cali Ciise

Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Canjeex), Caaqilka Beesha Cali Ciise ee beellaha Muusa Carre oo ka tirsan Beello Weynta Habar Yoonis Ayaa si adag u naqdiyey hadalladaas isaga oo hay’adaha ammaankana ugu baaqay in ay fiiro dheeraad ah u yeeshaan xubnahaas hanjabay iyo halka ay dabada kuhayaanba.

“Anigoo ah Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Caaqil Canjeex), Waxaan doonayaa halkan  inaan ka cambaareeyo shirqool dhagaraysan oo uu  xisbiga WADDANI iyo kaadiriintiisu ugu tashaday Wasiirka Warfaafinta Md. Caddaani. Arrintaasi oo fashilantay noqotayna wax aan weligeed Somaliland ka dhicin waxaa uu nuxurkiisu ahaa  isir cay iyo fool xumo ciddii dhegeysataaba ay ka naxday. Waxaana la odhan karaa cunfigaasi haba yaraatee ma aha wax uu ka soo yeedhi karo cid u hanqal taagaysa madaxtinimo iyo inay talada qabtaan”. Sidaas waxaa  yidhi Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Canjeex) oo ah Caaqilka Beesha Ciise oo kamid ah Beellaha Muuse Carre ee Habar Yoonis, kaasi oo habeenkii xalay ahaa warbaahinta maxalliga ah siiyey waraysi uu kaga jawaabayo hadallo sir ah oo ka soo yeedhay dad ku abtirsanaya xisbiga WADDANI, kuwaas oo hanjabaad iyo isir cay u jeediyey Wasiir Caddaani. Waxaanu Caaqilku intaas ku daray “Caddaani waa wasiir qaran in la naqdiyaana waa mid caadi ah oo siyaasin banaan laakiin  in lagu hanjabo waxbaanu dilaynaa iyo   isiri cay iyo reer cay annagu ma ogolin. Arrintaasna Waxaanu ka taagannahay meel adag. Waxaan leeyahay innaga iyo qoladaas [xisbiga WADDANI] waanu is garanaynaa, waxa ka soo yeedhayaana waa dhagar aan la yaraysan karin, kursina laguma fuulo xilna lagu helo in shirqool lagu tashadaa oo la yidhaahdo waxbaanu dilaynaa iyo wax baanu samaynaynaa ee hufnaan iyo kalsooni shacab ayaa lagu hantaa talada”. Ayuu yidhi Caaqilku. Waxaanu intaa ku daray “ Markaa anigoo ku hadlaya  afka Beesha Cali Ciise oo ka tirsan Muse Carre ee beella waynta Habar yoonis waxaanu aad iyo aad uga xunnahay isla markaana aanaan aqbali karin haddallada cunfiga ah ee kasoo yeedhaya ragga ku abtirsanaya xisbiga WADDANI. WAxaananu leennahay Somaliland waa reero wada yaalla oo dawladnimo ku heshiiyey sidaasina oo ay tahayna cidina cid ugu ma hanjabi karto dil, reerna reer kale iyo cid kale toona uguma goodiyi karo inuu wax ka bedello mawqifkooda siyaasadeed.

Annagu horena KULMIYE ayanu u ahayn immikana isaga ayaanu nahay oo aanu taageeraynaa,  Wasiirkayagu halka uu nagu hoggamiyo ayanau nahay, waxa uu jecelyahay iyo xisbiga uu yahaynba waanu nahay ee sidaas ha u ogaato cidda hanjabaysaaa, Somaliland ka markhaati hadallada naxliga ah.

Dhinac akale faririn adag ayaan bilayska u dirayaa waxana leeyahay waxyabaaha qabiiliga ah ee shacbiga somaliland dareenkoda kicinaya ee amniga iyo degennaanshaha iyo walaanimada ummada waxy eellaya waxaanu gu baaqyanaa in ay tallaabo sharci ah oo gacan adag leh ka qaadaan, siii b hay;ada amniga ku shaqada leh waayo hadalladan ka soo yeedhay xisbigani waxaa kuwo qaranimada lid ku ah oo dabada ku haya cid nacaynbka iyo isircaykga ku caan baxday.

Madaxweynahana waxana ku hambalynaynaa anigoo ku hadlay afka Cali Ciise mashaariicda biyaha ee wasiirkii hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac u ka hirgeliyey riigga deegaanka Cali Ciise. “ ayuu yidhi Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan.

Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Canjeex)

Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Canjeex)

Xigasho Hubaalmadinews.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews