berberatoday.com
War Deg Deg Ah’Ciidan Gaadiid Gaashaaman Wata Oo Gaadh Culus Ka Qabtay Masjidkii Laysku Haystay Ee Shalay Gudidu Go,aan Ka Saartay Iyo Culimadii Laga Xukumay Oo Gudaha Masjidka Ku Jira Oo Haystana
December 29, 2016 - Written by Berbera Today

masjid-sheekh-isaxaaq-1Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamo isugu jira Boolis iyo milatari islamarkaana wata gaadiid gaashaaman oo ciidan ayaa gaadh culus haya Masjidka sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera oo muran badan ka taagnaa bilihii udanbeeyay.

Masjidkan oo ay isku haysteen culimada Tima weynta ee Rabiiciyada iyo Qoys sheegtay inay dhulka iyo dhismaha Masjidkan dhiseen mudo hada laga joogo mudo kabadan 90 sanadood ayaa waxa Maamulada Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera usaareen Gudi Culimo ubadan oo ka garnaqda.

Garnaqaasi ayaa maalintii shalay go,aan laga soosaaray waxaana go,aankaasi loogu Xukumaya Gacan ku haynta iyo Naadirnimada Masjidkaas Qoyska sheegtay Dhulka uu Masjidku Ku Fadhiyo iyo dhismihiisii horeba oo ah Ilma Xaaji Yuusuf Iimaan iyo Ilma Qawdhan Maxamed Kadib markii lagu dhaariyay inay dhismaha hore iyo dhulkaba lahaayeen waxaana milada dhaarta ah la mariyay oo kitaab gacanta loo saray Maxamed Xaaji Yuusuf Iimaan.

Masjidka oo laga jaray laydhkii iyo biyihiiba mudadii muranku ka taagnaa ayaa waxa furayaashiisa haystay Xerta Culimada Timaynta ee Rabiiciyada waxaanay isla shalay Culimada Tima weyntu  markii xukunkaas lagu dhawaaqay ay sheegeen inay racfaan ka qaateen Xukunkaas iyaga oo gaashaanka udaruuray inay ku qancaan Xukunkaas laga soo saaray gacab ku haynta Masjidka Sheekh Isaxaaq iyaga oo isla shalayna Culimada Xerta Tima Weyntu Furteen Masjidka oo ay ku tukanayeen isaga oo laydhkii ka maqanyahay oo Maamulka Gobolka Saaxil hore u amray in laga jaro mudada murankiisu socdo ee lagu kala baxayo.

Saaka subaxnimadii hore ayaa waxa lagu waabariistay Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari oo wata gaadiidka Ciidanka ee gaashaaman oo ku wareegsan dhinacyada Masjidka laysklu haystay ee Sheekh Isaxaaq iyada oo ay Culimadii Tima Weyntuna Gudaha Masjidka Ku Jiraan albabada Masjidkuna xidhan Yihiin.

Masjidkan oo dhisan mudo ka badan 90 sanadood ayaa waxa dhawaan dib udhis balaadhan oo casriyay ku sameeyay Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxor waxaanu muranka iyo isku qabsigu yimi kadib markii uu Masjidku qurux badnaaday ee dib udhiska lagu sameeyay iyaga oo qoyska sheeganayaa yimi markii farta uu laga qaaday dhismaha Masjidka, 

Waxa Xusid Mudan in gabi ahaanba la baabiyay dhismihii hore ee Masjidka oo ahaa mid qadiimiya oo wakhti hore la dhisay.

Ilaa Hada Wax dhibaato ahi kamay dhicin masjidka maamulada Degmada Berbera Iyo Gobolka Saaxil toona kamay soosaarin wax wara oo la xidhiidha Masjidkan iyo xukunkii shalay Kasoo Baxay gudidii Culimada ee loo saaray inay inay kasoo saaraan Go,aan.

Halkan Ka Daawo Muuqalka Markii shalay go,aanka xukunka ah Laga soosaaray Masjidka Sheekh Isaxaaq

Muranka Masjidkan ayaa Hadaan xal waara oo labada djinacba ku qancaan laga gaadhin sababi kara khilaaf diimeed oo ka qarxa magaalada Berbera

 

Kala Soco shabakada wararka Berberatoday.com wixii war kasoo kordha Masjidkan iyo Ciidamada gaadhka Culus ka haya

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews