berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Warsaxaafadeed Dhaliil Xambaarsan Kasoo Saaray Xaflad Xisbiga Kulmiye Burco Ugu Qabtay Taagerayaal Kusoo Biiray
December 29, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee wadani ee Gobolka Togdheer C/risaaq Axmed Cali (C/risaaq Sanwayne) ayaa warsaxaafadeed uu Maanta kazoo saaray Magaalada Burco waxa uu kaga hadlay Xaflad Gacan ku rimis ahayd oo ay maanta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi iyo wasiirada ugu tunka wayn Xukuumada Kulmiye ay Magaalada Burco ugu qabteen qaar ka mid ah Beesha uu kazoo jeedo Gudoomiye ku Xigeenka wadani ee Gobolka Togdheer,taasi oo ay ku sheegeen Madaxdii halkaasi ka hadashay in aanay jirin cid Beeshaas ah oo ku hadhay Xisbiga wadani,Gudoomiye ku xigeenka wadani ee Gobolka Togdheer oo taasi beeninaya arimahaasna ka jawaabayaana waxa uu warsaxaafadeedkiisu u dhignaa sidan,, Anigoo ah Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee wadani ee Gobolka Togdheer C/risaaq Axmed Cali(C/risaaq Sanwayne) waxaan halkan ogaysiis uga dirayaa shacabka Somaliland,in iyadoo aynu wada ognahay abaaraha iyo dhibaatada ka jirta xiligan wadankeenu, hadana maanta in xisbiga kulmiye iyo musharaxiintiisu ku mashquulsanyihiin xaflado iyo mashxarado kuna bixinaayaan lacago iyo hanti aan ku haboonayayn,ee ay ahayd in dadka abaaruhu saameeyeen wax loogu qabto,waxa kale oo jirta inay isku dayeen inay dadka iibsadaan oo xataa aniga ay iisoo bandhigeen inaan ka mid noqdo xisbiga kulmiye,lacag gaadhi iyo xilal kala iisoo bandhigeen, dareenkayguna ii diiday inaan ka shaqeeyo ama la mid noqdo raga ka qayb qaadanaya fururka beesha aan ka midka ahay ama aan qaato lacag dadka wax loogu qaban lahaa.waxa nasiib daro ah dadka doonaya inay wadanka hogaanmiyaan maanta ay kala saari kari waayaan saxa iyo khaladka,waxaan aaminsanahay in sumcadooda u fiicaaan lahayd inay joojiyaan hantida ay ku luminayaan kaambaynka iyo ololaha oo ay dadkooda tabaalaysan garabsiiyaan,waxaa iswaydiin leh hadii dadkuba dhamaadaan yay u talin doonan,waxa kale oo aan talo halkan ka siinlahaaa musharaxa muuse biixi inuu garto shaqadiisa oo sida musharaxa ciro isu cadeeyay ee sida sharafta leh u wareejiyay Gudoomiyihii xisbiga wadani uu isna uu ka tusaale qaato buuxiyana shuruudiii uu la galay qaybo bulshada ka mid ah,Waxaa la yaab leh isagoo raba in la doorto oo sidan kursi jecel maal hadii uu ina qabso sidaynu isaga furfuro way adagtahay, Waxa kale oo aan bulsada ogaysiinyaa Xafladii Magaalada burco maanta ka dhacday ku xusnayd magaca beesha Reer xarbi ee aan kazoo jeedo i inaanay ahayn mid beesha iyo masuuliyiinta ugu saraysa ay adeecsanyihiin ee ay ahayd mid hantida dalka iyo dadka lagu burburinayay,reerka burburkiisana ay rag kusoo qaadeen weerar, waxaanu u sheegaynaa salaadiinta iyo madax dhaqameedka somaliland ee sharafta badan ee qarankani ku dhaadanayo,inay jirraan kuwaa magacyadooda ku adeegana kaana shaqaynayaa burburka reeraha, Hadaba waxaan kusoo gunanadayaa aniga beeshayduba wax garadkoodu ay wali tahay Xisbiga wadani.
Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer
C/risaaq Axmed Cali(C/risaaq Sanwayne)
 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews