berberatoday.com
Aqoonsigu Reer Nuur Buu Ku jiraa M. Amin Jibril
December 30, 2016 - Written by Berbera Today

Waxay ahayd sannadkii 1981-kii markii la aasaasay ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, waqtigaasi dawladda ugu awoodda badan Afrikadda madawbi waxay ahayd dawladdii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee uu hogaaminayay Maxamed SIyaad Barre.
Sideedaba dawladnimadu waa Nuur iyo abtirisiin dad isku deegaan ah, waana nidaamka wada noolaansho ee dad meel wada degan. Sidaasi darteedna Nuurka lama taaban karo,balse waxa jira waxyaabo badan oo la taaban karo oo la arki karo, lana taaban karo.
Haddaba Soomaalidu waxay lahayd Nuur keli ah oo ku jirey astaamaha Soomaalidu wuxuu ahaa xidigta cad ee ku taala badhtamaha calanka Soomaalida.
Balse markii SNM la aasaasay waxay samaysteen astaan ay ku shiiqiyaan nuurka ay Soomaalidu leedahay waxaanay sameeyeen oo ay astaamahooda ku soo dareen qorax soo baxaysa oo ku soo baxaysa bil iyo xidig. Marka si sayntifik ah loo eego qoraxdu waxay meesha ka saartaa nuurka xidigta iyo bishaba. Sidaasi darteedna waa kii dagaalkii dhacayna waxaana halkaasi ku baaba’ay nuurkii xidigta oo u dhigmaysay dawladnimadii Soomaaliyeed.
Taasina waxay keentay in gebi ahaanba ay meesha ka baxdo dawladii Siyaad Barrea. Laakiin dhinaca Somaliland waxa la isku dayay in asalka Nuurka la doono waxaana calanka lagu qoray Tawxiidka oo ah asalka Nuurka oo ah Al-Nuur oo ka mid ah magacyada Ilaahay.
Haddaba Nuurka oo dhani wuxuu ka yimaadaa xagga Ilaahay muddana waynu ku soo nabadgalnay arrintani. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay in laga midho dhaliyo Nuurkan, isla markaana Nuurka Ilaahay dhulkana laga eego.
Xagga culimada Diinta galbeedbaa lagu tuhmi jirey’e muddo 25 sannadood ah oo ay Somaliland jirtay qaar badan oo ka mid ah beelaha Somaliland ayaa hogaanka dalkeena iskaga dambeeyay, balse waxa aan iyagu awoodda soo doonan qabaa’ilka magacooda Nuurku ku jiro.
Haddaba rubuc qarni markii ay jirtay Somaliland, sannadkan maanta ah waxa madaxweyne ku xigeen soo doontay nin wata magacii Nuurka. Macnaha Maxamed Cali oo reer Nuur ah. Sidaasi darteed Nuurkii dawladnimo halkan ma eegnaa oo maanta Nuurka dhulka jooga reer Nuurka ma eegnaa oo madaxweyne ku xigeenka ma u cumaamadnaa, malaha aqoonsi baaba ku jiree!

 

 

 M. Amin Jibril

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews