Daawo Muuqalka”Guddoomiyaha KULMIYE Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaas Oo Noqday Masuulkii Ugu Sarreeyey Somaliland Ee Uhoyda Degmada Taleex Iyo Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Biyo Oo Uu Gaadhsiiyay Dadka Abaartu Samaysay Ee Deegankaas
December 30, 2016 - Written by Berbera Today
Taleex(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday masuulkii ugu sarreeyey ee Somaliland ee hoggaamiye xisbi iyo murrashax Madasxweyne ah oo booqasho ku taga, una hoyda degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo oo qiyaastii ilaa 160KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo maalmihii u dambeeyeyba socdaal la xidhiidha gurmadka xaaladda abaarta ku marayey Gobollada bariga, ayaa gaadhay maanta Gobolka Xaysimo, gaar ahaan xaruntiisa oo ah magaalada taariikhda wayn leh ee Taleex, waxaanna Guddoomiyaha iyo weftigiisa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada, odayaasha dhaqanka iyo maaamulka heer gobol iyo degmo.