berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Guddoomiyaha KULMIYE Ahna Musharaxa Madaxweynaha Xisbigaas Oo Khudbad Tusaale Iyo Talooyin Xambaarsan U Jeediyey Odayaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Sool+Lacag 40.000$ Ahna Ugu Deeqay Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen Ee Gobolkaas
December 30, 2016 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad xambaarsan talo iyo tusaale muhiim ah u jeediyey odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Sool ee Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin wasiirro iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Caddaani, Wasiirka Biyaha Xuseen Cabdi Boos iyo xubno kale, kuwaas oo kulan kula yeeshay magaalada Laascaanood maanta guddiga abaaraha gobolka Sool, odayaasha iyo waxgaradka gobolka, kaasi oo lagaga wadahadlay xaaladda guud, gaar ahaan abaarta daran ee ka jirta gobollada bari ee dalka iyo gurmadka dadku u baahan yahay, waxa hadal uu u jeediyey kaga hadlay nabadda, colaadda iyo saamaynta ay ku kala leeyihiin nolosha bani’aadamka.

“Waxa aynu ognahay oo diin kasta, Islaamka iyo dhaqan waliba isku raacsan yihiin inay colaadda iyo abaartu mataano yihiin oo nabadda iyo barwaaqaduna mataano yihiin, waxana aan qabaa in abaartaa maanta ilaahay keenay haddii dhawr iyo labaatan sano ka hor khilaafka dhexdeena marka aynu Somaliland nahay uu yaraan lahaan ama aynu meel hoose geyn lahayn, haddii gobolka Sool khilaafkiisu hoos u dhici lahaa dhawr iyo labaatankaa sanadood oo taladiisu urur sanaan lahayd oo khilaafka ay Sool katirsanayso Somaliland-ta kale aynu hoos u dhigi lahayn maanta waxa aynu lahaan lahayn awood iyo qorshe aynu ugu talo galno dhibaatooyinka iyo masiibooyinka adduunka ka dhaca ee abaarta iyo xannuunadu kamid yihiin, marka ay abaartii timi, talo-xumadeenii sanadaha badan socotay darteed ayeynu maanta dadkeenii tabaq-tabaq iyo si taag-daran ugu gurmanaynaa, qur’aankana ilaahay baa ku sheegay oo yidhi haddii aad is khilaaftaan waad fashilmaysaan,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Guddoomiyuhu waxa uu ku dhiirrigeliyey odayaasha in gacmaha la isku wada qabsado sidii ay u hirgeli lahayd nabadgalyada la dhexgadhigay labo beelood oo walaalo ku dagaallamay Hawdka Gobolka Sool, kuwaas oo iska dilay dad badan, isla markaana dadaalo ay dawladda iyo ciimadda Qaranku sameeyeen ku guulaysteen in la dambiyo colaadda, iyadoo waqtigana laga shaqaynayo sidii heshiis buuxa loo kala dhex dhigi lahaa labada dhinac.

Waxa kaloo uu kala hadlay sida loogu baahan yahay in bulshadu u wada kacdo gurmadka taakulada la gaadhsiiyo abaarta, isagoo si gaar ah uga hadlay sababta qurba-joogga gobolku uga gaabinayaan ka qaybgalka gurmadka xaaladda taagan, waxaannu yidhi, “Inta badan marka aanu halkan nimaadno waayeelku waxa ay aad ugu mahadnaqaan ciidamada qaranka Somaliland, dadka goob-joogga ah ee Sheekh iyo Shariifba lihi eraygaas way isku raacaan,haddana waxa halkan lagaga dhawaajiyey qurbjoogga reer Sool way ka gaabiyeen inay abaaraha wax kusoo taakuleeyaan oo waxa ay leeyihiin Somaliland baa Sool qabsatay, labadaasina laba eray isku xidhmaya ma ahee keebaa sax ah, haddii ciidankii Somaliland sidaas looga mahad-sheeganayo oo Somaliland wixii ay haysay leedahay gurmadkii waa kan oo waanu gurmanaynaa, ninka qurbaha jooga eel eh Sool waa la qabsaday ma war baanu haynin, mise shaydaan kale ayaa u warrama.”

“Annagu maanta waxa aanu leenahay ka qurbe-joogga ah iyo ka waxtirsanayaba waar wixii dhexdeena ahaa ee fikrado ah iska dhiga oo dadkani waa dadkeenii meelkasta oo uu joogaba, waxa dhimanayaana waa dad muslim ah oo dadkeenii ahe ma u wada gurmanaa,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi.

15741276_350460871984305_4086763527234921663_n

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu halkaasi ka shaaciyey lacag dhan $40,000 (afartan kun oo dollar) oo xisbiga KULMIYE ugu talogalay inuu kaga qaybgalo taakulada abaarta ee Gobolka Sool, taasi oo iyadoo kaash ah ay madasha kula wareegeen Guddiga Abaarta ee heer gobol.

Halkan Ka Daawo khudbada Musharax Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo Dhamaystiran

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews