Gabadh 19 Sanadood Ku Noolayd Baaldi Caag !
December 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Markii ay dhallatay 19sano ka hor waxay aheyd qof caadi ah, balse intii danbe ee nolosheeda waxay ku dhex noolayd Baaldi caag ah, iyadoo aan awood u lahayn inay kacdo ama socoto waxaanay ku qaadatay19 sano oo nolosheedii oo dhan ah waxaanay geeiyootay 25kii bishan December ee aynu ku jirno.
Gabadh oo magceeda la odhan jiray Raxma Haaruun ayaa waxay ku dhalatay magaalada Kanu ee Dalka Nigeria, waxaanay ahayd markii ay dhalatay ilma si caadi ah u dhashay, kadibna waxa la ogaaday inay ku dhalatay arrin aan waxba laga qabin Karin oo ah in jidhkeedu aanu korayn, waxa koray oo kaliya madaxeeda iyo wajiga iyadoo laga dareemayay da’deeda, balse jidhkeeda kale oo dhammi muu Korin muddadaasi.