Gabiley: Afar Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur
December 30, 2016 - Written by Berbera Today
Gabiley(Berberatoday.com)-Alle ha u Naxariistii Afar Qof, ayaa ku geeriyooday Shil Baabuur oo Maanta Gelinkii dambe ka dhacay Duleedka Degmada Gabiley ee Somaliland.
Saddexda Qof oo dhammaantood Rag ah, ayaa Geeriyooday ka dib markii ay isku dhaceen Gaadhi yar oo ah kuwa loo yaqaanno (Tukhaanka) iyo Gaadhi nooca Xamuulka qaada ah (Shaamboo).
Meydadka Afarta Qof ee ku dhintay Shilkaasi, ayaa la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley, si ehelladoodu uga qaataan loona aaso.
