berberatoday.com
Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Sheegay In Gabdho Qaba Xanuunka HIV/AIDS-ku Dalka Soo Geliyaan Maandooriyaha KHAMRIGA & Halista Ka Dhalan Karta
December 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hababka Dadka ka ganacsada Maandooriyaha Khamrigu Magaalooyinka Dalka u soo geliyaan, ayaa mareysa meel halis badan, taasi oo sababi karta khataro kale oo dhanka Caafimaadka ah.

Dadka ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga, ayaa marka ka soo iibsadaan Khamriga Dalka Itoobiya waxay dhib badan kala kulmaan sidii ay u soo gelin lahaayeen Magaalooyinka Somaliland, maaddaama oo Kaantaroollada xuduudka iyo Dalka Gudihiisaba ah aad loogu baadho Gaadiidka Dalka Dibaddiisa ka yimaadda, laakiin waxay bilihii u dambeeyay bilaabeen inay adeegsadaan Hablaha qaba Xanuunka HIV/AIDS-ka oo Askarta iyo Dadka kale ee Shacabkuba u naxariistaan isla-markaana aan looga shakiyi karin inay Khamri sidaan.

Sidaana waxa sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan oo Shalay u warramay Telefiishanka Qaranka.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu Xabsiyada Dalka oo uu kormeer ku sameeyay ku soo arkay Gabdho la nool Cudurka halista ah ee Aydhiska, kuwaasi oo la xukumay markii lagu qabtay iyagoo sida Maandooriyaha Khamriga.

“Kormeer aanu samaynay waxaanu ku ogaanay in Hablaha Qaba Xanuunka HIV/AIDS-ku Dalka soo geliyaan Maandooriyaha Khamriga. Waayo? Dadka Qaba Xanuunka Aids-ku way shubmayaan oo Askarta Jeelasho aad bay uga sasaan, markaa Qiil bay ka dhigtaan inay sida iska-rogada Khamriga soo qaadaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Hablo aan ku arkay Magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Berbera oo qaba Xanuunka Aids-ka oo haddana (Xadhigga) ku kasbaday khamriga ay soo qaadeen, markaa dad baa ka dambeeya Ganacsato ah (oo adeegsanaya) iyagoo doonayo in loo naxariisto (markay khamriga sidaan).”

Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Hablaha Qaba Xanuunka Aydhiska ee Jeelasha ku jira qaarkood ay Dadka kale ee xidhan la fal-galaan oo ay iskala nool yihiin, halka qaarkoodna ay Askartu ka baqaan inay la dagaalamaan oo ay nabarro gaadhsiiyaan, sidaana uu Xanuunku ugu fido,  “Sidaa darteed waxaanu ku nidhaahnaa qolal gaar ah ha loo sameeyo.” Ayuu yidhi Xeer ilaaliyuhu.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews