berberatoday.com
Caynaba-Gudidii Abaaraha Oo Lunsi Bilaabay,Biyo Loo Soo Dhaamiyay Oo Dadkii Ku Shubmeen Iyo Baaqa Dadweynaha Oo Cirka Maraya
December 31, 2016 - Written by Berbera Today

Waridaad(Berberatoday.com)-Xili ay guud ahaan gobolada Bariga Somaliland ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo aad u Adag Ayaa waxaa soo baxaya in La Leexsaday raashin iyo biyo loogu deeqay Dadka gobolka Saraar ku nool gaar ahaana Caynaba iyo nawaaxigeeda oo ay ka mid tahay degmada Waridaad Odayaal,Maamulka tuulada iyo Waxgaradka deegaanka ayaa Nagula soo xidhiidhay Khadka telefoonka Waxaana ay ugu baaqeen Gudida Abaaraha iyo cuidda deegaankaasi abaartu saamaysay ay Iska Haystaan Waxay Bixinayaan Maadaama aan lasoo Gaadhsiinayn oo jidka Loo Galayo Waxay Sheegeen in Booyadihii Biyaha ee loogu deeqay dadka Oo ahaa Macaan Inta La leexsaday Dadkii dib loogu soo dhaamiyay biyo qadhaadh oo Ceelka Caynaba iyo Gawsaweyne laga soo Daray taasina waxay sheegeen in biyahaasi Qadhaadh ay ku shubmeen dadkii oo Markoodii horeba xaaladoodu Liidatay Dhowaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxaa uu Gobolka Saraar ugu deeqay Lacag dhamayd 20 kun oo dolar oo abaaraha xisbigaasi Kaga qayb galayo waxaana ay ka dhawaajiyeen inaan Haba yaraatee aan deeqdaasi dhinacooda la soo eegin iyagoo sheegay inaanay Garanayn sababta keentay Sidoo kale Waxaa ay Wax laga xumaado ku tilmaameen in in Bustayaal iyo Dhar Xisbiga Kulmiye bishii hore ugu deeqay deegaanka Lagu Xaraystay Bakhaar ku Yaala degmada Waridaad oo ay Dadkaasi ku sugan yihiin Waxaana Damcay in Gudida Abaaraha Gobolka saraar oo ay ka mid yihiin Khaliif Ismaaciil saleebaan,Qaasin Timaweyn iyo Hawlbadan ay Dib Halkaasi ugala baxaan Balse waxaa Arintaasi hor istaagay taliyaha Saldhiga Waridaad oo lagu Magcaabo Xawaadle Xukuumada Somaliland Haba yaraatee wax Dabagal ah Kuma samayso gudiyada Abaaraha ee dalka waxaana la Ogaa Hore inay u dhacday ka dib Markii ay caynaba Xoghayaha Dawlada hoose ee degmadaasi Cumar Maxamed Muuse iyo Isuduwaha Wasaarada Beeraha Faysal Famle ay Raashin sidaasi oo kale u leexsadeen deegaanka Wadaamagoo iyadoo la xidhay balse uu garasho ku sii Daayay Wasiiru Dawlaha wasaarada Xanaanada xoolaha Cabdirashiid Riyaraac Saleebaan jaamac Cawed oo Arintaasi ka Hadlayaa Wuxuu yidhi Sidan “Waxaad ogtihiin Gudida Hogaanka looga dhigay Khaliif ismaaciil Saleebaan,Qaasin timaweyn iyo Hawlbadan ee Biyihii Macaanaa Berkado ku shubtay Dadkan Oomanaha degana ee abaaruhu haystaana kusoo Daldalaya Biyaha Qadhaadh ee Calooshu ku wada Xanuuntay,Waar walaal waxaas ma Islaamnimaa Ilaah baan kugu dhaarshee,Bustayaashii ayay Qolaal Umada kaga xidheen,Raashinkii la bixiyay ee Timirtu ku jirtay ayay caynaba ku haystaan oo Bakhaaro ku xaraysan,Waxaanu leenahay Hadaan arintaasi waxba laga qaban karaynin oo raali lagaga yahay amase weji lagu aaminayo qofkii Umadaas Abaaraysan Waxeeda Cunayay in la iska Haysto oo dadka laga soo ururinayo loo Daayo,ileen dad ladan oo madax looga dhigaa Guryo ka dhistee sidanina walaal Maaha si la aqbalayo waxaana aanu codsan Lahayn in Gudi xaqiiqo raadin ah Naloo soo diro oo arinkaas aanu ka hadlayno Ogaata inay been Tahay iyo In Kale,Waar Walaal tuug Jaanis heshay Baa na Haysatee sidii Berigii xamarjiba loo xidhay iyo ragii kale Maxaa dadkan looga cabsanayaa “ Ugu danbayn waxaa ay waxgaradka deegaanka Waridaad Sheegeen Inay la xidhiidheen Badhasaabka Gobolka Saraar si ay ula socodsiiyaan inuu Arintaasi Wax ka qabto,waxaana ay intaasi ku dareen inuu Markii uu Warkooda dhagaystay Telefoonka ka xidhay Dib danbena uu uga qaban waayay Waxaana ay Sheegeen inay Tahay shuraako la isla Wada ogyahay Maayarkii hore ee degmada Caynaba Khaliif Ismaaciil Saleebaan Waxaa lagu Xasuustaa intuu Xilkaasi Hayay Musuqmaasuq Tira Badan oo dhinaca Mucaawinooyinka Ah waana Gudoomiyaha gudida Abaaraha Gobolka Saraar oo xukuumada iyo badhasaabka gobolku u doorteen Si kastaba ha Ahaatee laga soo sheegayay wax isdaba marin iyo Musuqmaasuq Baahsan oo ku aadan Deeqdaasi Dadka Masaakiinta ah loogu talo galay ayaa Mar kale waxaa maalintii shalay Gaadiid Raashin halkaasi gaadhsiiyay Dowlada Somaliland iyo hayado Madaxbanaan Balse waxaa cabasho ka muujiyay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Magaalooyin Hoos yimaada Degmada War-Idaad sida Muguca,Food-cadde Iyo Kurwadne. Gudoomiyaha Deegaanka Muguca Saleebaan Jaamac Cawad oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Warbaahinta ayaa noo sheegay in mucaawinadaasi aan la soo gaadhsiin ku dhowaad 10 tuulo,isla markaana aan la garanayn meel la geeyey wixii ay ka deegaan ahaan saami u heleen.

 

Odayaasha Khadka Telefoonka Nagula soo Xidhiidhay Waxaa Ka Mid Ah: UGAADH CAWIL CARAALE, SALEEBAAN JAAMAC CAWAD(Indhadeero) ABOKOR CARAALE MIR

 

Maxamed Aadan Dirir

Berberatoday.com/Caynaba

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews