berberatoday.com
Qaxootiga Soomaalida Ah Ee Ku Nool Dalka Yemen Oo Daruufo Adag oo Nololeed Soo Wajaheen
December 31, 2016 - Written by Berbera Today

Yamen(Berberatoday.com)-Qaxootiga Soomaalida ee Yemen kunool ayaa daruufo adagi soo wajaheen. Qiyaastii 4 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa daruufo adagi ku heystaan caasimada dalkaa ee Sanca.qaxoontii somaali ah

Noloshooda ayaa dhibaato la kulantay wixii ka dambeeyay bilowgii dagaalka u dhexeeya dawlada iyo Xuutiyiinta.

Sanadkii hore bilowgiisii ayaa dagaalkaasi qarxay. Qaxootigaa ayaa waxaa heysta shaqo la’aan, raashin yari, hoy la’aan iyo dawo la’aan.

Guryo ay ijaar ugu jireen ayaa haatan lagu soo waramayaa inay ijaarkii iska bixin la’ yihiin.

Qaar ayaa sidaa daraadeed banaanada seexda qaarna qoysas guryo ciriiri ah kunool ayay dul saar ku yihiin.

Biyaha ayaa ku yar meelaha ay kunool yihiin sidoo kale korontaduna joogto maahan.

Sidoo kale ayaa dadkaa waxaa heysta arad ba’an ayagoo dhar duug ah xirta maadaama aysan dhar kale heysan soona gadan karin.

Meesha ay ka daggan yihiin Sanca ayaa ah isku raran lagu magacaabo al-Safiyah.

Isbitaal yar oo UNHCR taakuleyso ayumbaa halkaa wax isbitaal ah ku yaala.

Dawooyinkii ayaa isna ka dhammaaday isbitaalkaa iyo weliba sidoo kale qalabkii oo isna ka dhammaaday intiisii badnayd.

Guddoomiyaha qaxootigaa C/Raxmaan al-Zaylici ayaa ka cawday hayadaha gargaarka oo gargaarkii ka jartay qaxootigaa oo dhan.

“Laga soo bilaabo markii dagaalku bilowday hal mar ayumbaa wax nala siiyay’. Sidaa ayuu yiri C/Raxmaan al-Zaylici.

UNHCR ayaa sheegtay in ilaa 200 oo kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay kunool yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Yemen.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews