berberatoday.com
Akhriso”Masaajid Ku Yaala Gudaha Somaliland Oo Aan Mudo Saddex Sanadooda Lagu Tukan Iyo Sababta
January 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Masaajid weyn oo ku yaala gudaha Somalilandayaan mudo saddex sanadooda lagu tukan, masaajidkan ayaa waxaa uu ku yaala magaaladaArabsiyoee gobolka Gabiley.

Waxaanu masaajidkani dhinaca galbeed ka saaran yahay amase u dhaw yahay Sariibada magaaladaasi Arabsiyo.
Masaajidkan ayaa waxaa uu dhisnaa mudo saddex sanadooda, markii la dhisay ee la dhameystiray hoostiisana la dhigey gogoshiiuu u baahnaa iyo Kitaabadii, ayaa Faral daayo aan xiita salaad sunne ah lagu tukan.
Masjidkan ayaa waxaa isku qabsaday wadaado ka tirsan culima awdiinka dalkan Jamhuuriyada Somaliland. Waana sababta Keentay inuu Mudada Intaas leeg Xidhnaado.
Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta oo u xilsaaran dhammaanba ilaalinta, la socodka iyo ka warheynta masaajiddada dalka ayaa indhaha ka la lalisay suurta-galnimada sidii loofuri-lahaa masjidkan, aan saddexda sanadooda salaad lagu tukanin.
Masaajidkan laf ahaantiisa waxaa ka muuqda wakhti xaadirkan,dil-dilaac iyo daryeela,aan xoogan, waxaana ku caaryeystay meesha Kitaabadii iyo roogagii la dhigey maalintii farta laga qaaday ee la dhameystiray masaajidkan lana furay.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Arabsiyo iyo cidkasta oo muslin ah oo aragtaa waxaa ay aad uga wal-walsan yihiin goob loogu talo galay cibaadada Alle inuu ka laa laado quful weyni,xukuumada,shacabka,culima-aw-diinka iyo dhammaanba wax-garadka Somaliland waxa la gudboon inay dadaal u galaan, sidii xal dib loogu furo loo heli lahaa masaajidkan.
Waxa waaydan danbe somaliland kusoo badanaayay fariiqooyinka Diinta islaamka ee is khilaafsan kuwaas oo sababay in laysku qabsado macnaha kitaabka alle iyo sunaha iyo sidoo kale maamulka Masjidad oo hada ka taagan magaalo xeebeeda Gobolka Saaxil ee Berbera oo muran ba,ani udhexeeyo Culimada xerta Tima weynta iyo qoys sheegtay masjid lagu magacaabo Sheekh Isaxaaq oo Maamulkiisa ay gacanta ku hayn jireen culimada Tima weynta oo ilaa hada Xidhan lona maaro layahay Xalkiisa.
Xukumada Somaliland ayaa waxa la gudboon inay wax ka qabato khilaafka fariiqooyinka diinta islaamka lagu kala qeyninayo oo sababi kara khilaaf baaha oo dineed oo amni daro sababi kara
Berberatoday.com
COMMENTS
|