berberatoday.com
Dad U Debaal Dagayay Bilashada Sanadka Cusub Ee Milaadiga Oo Lagu Rasaaseeyay Magaalada Istanbul Ee Turkiga + Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Oo Lagu Dhawaaqay
January 1, 2017 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan 15 ajaanib ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Turkiga.istanbul 2016
Nin hubaysan ayaa abaare 01:30 ee saqda dhexe ee waqtiga maxaliga ah waxa uu rasaas ku furay goobta habeenkii lagu caweeyo ee Reina, xilli dadkii halkaa ku sugnaa ay u dabaaldegayeen sanadka cusub.
Suleymaan Soylu ayaa sheegay in weli ay socdaan dadaalada lagu baadi goobayo qofka weerarka gaystay, kaasi oo loo malaynayo inuu kaligii weerarka fuliyay.
Ugu yaraan 69 qof oo kale ayaa lagu dabiibay isbitaalka, wasiirka ayaa intaa sii raaciyay.
Afar qof ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin xaalad adag.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay “qalalaase abuuraan” waxa uuna wacad ku maray inuu “joojin doonin dagaalka” ka dhanka ah argagixisada “ilaa uu ka tirtiro”.

Mr Soylu oo la hadlayay weriyayaasha ayaa sheegay: “Waxaa soconaya baadigoobka qofka argagixisada ah. Booliska ayaa wada howlgallo. Waxaannu rajaynaynaa in qofka weerrarka qaaday mar dhaw la soo qaban doono.”
Ilaa iyo haatan 21 mayd oo kaliya ayaa la aqoonsaday, ayuu yiri.
15 ama 16 ayuu sheegay in ay ajaanib ahaayeen, halka ugu yaraan 3 qof oo Turki ah oo ka mid ah dadka ay dhintay ay suuragal tahay inay ka shaqeynayeen kalaabkaas.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews