“Ninka Somaliland wax ka sokeeya wadoow adeer iska daa’ Talada Dadkan.”Sheekh Aadan-Siiro
January 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland kula taliyey inay Ummadda ka daayaan Khilaafaadka, si looga baaqsado Mushkilado amni daro oo Dalku waajaho.
Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Khilaafaadka Siyaasadeed ee Xisbiyada qaarkood u dhexeeya, ayaa ka digay in muranka iyo Hadallada Naxliga ah ee Warbaahinta ay isku marinayaan ay sii kala fogeynayaan Shacabka, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay ka waantoobaan.
Sheekha Aadan-Siiro oo ugu horeyn ka hadlaya Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo uu sheegay inay Somaliland ka jirto, ayaa yidhi, “Sunnuhu waa inaad nolosha fahamto, Sunnaha aynu ka hadlaynaa waa inaad fahamto haddaad qaadato Go’ ka dhexeeya Muslimiinta inaad Naar ku gelaysid. Maxaanu uga hadalnaa Boobka Hantida Ummadda ?, Maxaanu uga hadalnaa in waxa Dadka ka dhexeeya la ilaaliyo? waa asalka Ummadda, waa waxa loo sameeyay Khudbadda (Jimcaha)..”