berberatoday.com
Qiso Yaable Yaad Ka Guursan Laheyd Ama Uguurin Laheyd”W/Q Khadar Maxamed Askar
January 1, 2017 - Written by Berbera Today

Qiiso yaable: Yaad ka Guurasan laheyd ama u Guurin laheyd    by khaddar mohamedAskar

Banii Aadanku meelay joogaanba qola waliba waxay leedahay dhaqan ay ku dhaqmaan oo qofkii jabiyana lagu ceebeeyo, laguna maago.

Haddaba Dhaqanka Soomaalida ee miyiga waxaa ka mida marka qofka miyiga joogaayi uu safrayo in uusan sahay qaadan ee wuxuu la quutaa (wuxuu wax la cunaa ama wax la cabbaa ) reerka uu ku hoydo ama uu la hargalo. Hadday ka seexdaan oo ay marti soori waayaan ayada oo aysan ka muuqan wax ku kallifaya martiqaad la`aanta, sida ayaga oo aan wax heysan, waa ceeb la isku ceebeeyo la iskuna heydaarteeyo.

Martgalyaduna waa dhaqan fiican oo waafaqsan xadiithkii Nabigeena NNKH ee uu macnihiisu ahaa “Ninkii rumeeyey Allaah iyo Maalinta Aakhiro ha karaameeyo Martidiisa”.

Maalin maalmaha ka mida ayuu nin soomaaliyeed meel u safray, maalinkii oo dhan ayuu socday oo wuxuu ku hiranayey meel bani aadam degan yahay oo uu ku hoydo, dhulkuna waa libaax badan yahay, waana degaan yar yahay .

Goor uu gabbalkii sii liicayo (dhacayo) ayuu wuxuu kusoo baxay jees (qoys ) meel kaligiis degan , markuu arkay jeeskii ayuu ku farxay, wuxuuna markiiba indhaha ku dhuftay islaantii reerka meesha degan oo Maqasha (waxaraha) oo guriga bowdkiisa daaqeya xareynaysa.

Markii ay aragtay ninka martida ah ee xilligan gaaban soconaya ayey soo dhoweysay oo ay fariisisay oo ay biyo uu cabbo siisay, gogolna ardaaga u dhigtay ayada oo la sugeysa in markay xooluhu soo xaroodaan caano looga liso oo sidaas uu kula baryo .

Ninkii martida ahaa oo meeshii fadhiya wakhti aan sidaas usii badneyn ayaa waxaa soo horyeeshay xoolihii reerka, waxaana wada oo soo meyracayey ninkii jeeska meesha degan odayga ka ahaa .

Markuu indhaha saaray ninka meesha fadhiya ayuu qeylo aflabadiis dhawaaqay oo ooridiisii canaan iyo cagajugleyn kula kacay, asaga oo leh maxaad ninkaan noogu fariisisay, maxaan siineynaa anagaaba yaabban ee yaa fariisi ku yiri.

Ninkii martida ahaa ee ardaaga fadhiyay waa maqlayaa hadalka ninkan dhawaaqaya oo reerkiisii ku canaananaya martigalinta ay ninkan gogosha ugu dhigtay, hadalkiina waa batay oo waa joogsan waayey .

Islaantii markii ay la yaabtay qeylada ka baxaysa Saygeeda ayey waxay ku tiri: war ninkan wax kaama cunayee daa ha eryin dugaagda hakaa weheshadee waxbaba ha siinine, laakiin ninkeedii arrinkaas ma uusan garowsan, halkii ayuuna ka sii waday qeyladii iyo gurdankiisii.

Ninkii martida ahaa markii uu la yaabay qeylada ka baxaysa ninkan ayuu hadalkii soo dhexgalay oo wuxuu yiri: war i daa aan agtaada seexdo oo aan kaa weheshado dugaagga waxbaba ha i siinine .

Laakiin ninkii reerka lahaa waa garowsan waayey oo qeyladii ayuu sii badiyey iyo hanjabaaddii uu u hanjabayey islaantisii, markaas ayuu ninkii martida ahaa wuxuu ka baqay in asaga dartiis reerkan isqaba ay u kala tagaan oo asaga uu dhib usoo jiido reerka sababna u noqdo kala tagooda.

Markaas ayuu kabahiisii cagaha surtay, wuxuuna ku yiri asaga oo la hadlaya Islaantii reerka, una sheegaya abaalka uu u hayo :- walaal waan kaa qabaa martigalintaada, waxayna iila mid tahay adoo caawa wax waliba i siiyey ee qof lagu martiqaado.

Markaas ayuu haddana hadalkii u jeediyey ninkii oo wuxuu ku yiri: war ninyahow waan kaa tagayaa, mana doonayo in reerkan ku burburo aniga dartay ee raalli noqo oo iska aamus .

Ninkiina waa dhaqaaqay oo hortiisa ayuu wajiga saaray iyo meeshii uu markii horeba u socday, habeenkiina wuxuu baryey meel cidla` ah, asaga oo inta badan habeenkii waardiye iska hayey, kana baqayey in asaga oo jiifa Libaax jiscin ka dhigto.

Markii uu waagii u baryey ayuu dhaqaaqay oo socodkiisii sii watay asaga oo aysan ka dagin wax oomato ah laba cidmaal oo uu ka sokeeyey reerkiisii, maalinkiina sidii ayuu u sii socday .

Goor ay casar gaabkii tahay ayuu haddana wuxuu ku soo baxay jees kale oo asagana kaligiis meel degan , markan waxay is heleen ninkii reerka oo markuu arkay ninkan martida ah aad u soo dhoweeyey oo marxabeysiiyey, una garqaaday dhankii guriga .

Markii ay soo gaareen gurigii ayaa waxaa aragtay islaantiisii, markaas ayey aflabadiis dhawaaqday oo ninkii iyo martidiisiiba ixtiraami weyday oo wixii afkeeda soo maraba tiri .

Ninkeedii ayaa si degan ula hadlay oo ku yiri: ninkan wax nagama cunayee qeylada iska daa, bahalada ayuu naga weheshanayaaye, oo meeshan reerka bowdkiisa ah ayuu seexanayaa ee gacaliso aamus.

Naagtii yaa mar kaliya aamusiya?, qeylo, calaacal, maxaan siineynaa, maxaad qofwaliba noogu keentaa iyo wax la mid ah ayey lakacday.

Ninkii reerka odayga u ahaa wuxuu ka xumaaday waxay sameyneyso xaaskiisa oo damcay inuu cananto oo uu aamusiyo, laakiin Islaantii ayaa ka saayid caleysay oo ay waxba ka hagaagi waayeen.

Ninkii martida ahaa markuu arkay xaalka meesha uu marayo iyo in aysan harin oo kale in dartiis loo kala tago ma ahee wax kale ayuu wuxuu yiri: walaal khayr Allaah ha ku siiyo, waan kaa qabaa martiqaadka, wax shiddo ah ma jiraan, waana sii soconayaa ee nabaddiina gala oo iska dhaqaaqay.

Ninkii reerka lahaa oo aad uga xun waxa dhacay ayaa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews