Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Soo Dhaweeyay Balaadhinta Dekada Berbara Tilmaameyna In Ay Xidhiidh Fiican Leeyihiin Somaliland
January 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada dhinaca dekedaha ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in dalkiisu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhammaan dalalka gobalka Geeska Afrika.
Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo toddobaadkan u waramay telefishanka Aljazeera, ayaa waxa la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan “Mudane Raysalwasaare waxaa jirta qadiyad la xidhiidha dekedaha (Gobalka) oo dadka qaarkood ku tilmaamayaan dagaalka dekedaha. Tusaale ahaan Imaaraadkii waxa uu maalgashanayaa dekedda Casa bee Ereteriya iyo Berbera oo Somaliland ah, Turkigii oo dekedda Muqidisho maalgashanaya iyo Shiinaha oo Jabuuti isna maalgashanayana. Itoobiyana sida aynu la soconno waa dal aan bad lahayn. Markaa sideed aad u aragtaan arrintan oo khatar ku ah dalkiina?