Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Warbixiyey Socdaalka Wefti Uu Hogaaminayo Oo Ku Sugan Magaalada London
January 1, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Weftiga ka socday xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka Bahrain ayaa gaadhay wadanka boqortooyadda Ingiriiska, weftiga ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka qorshaynta Mudane, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire).

Wasiirka qorshaynta oo saxaafadda kula hadlay madaarka Heathrow airport ayaa ka war bixiyey socdaalkooda, isla markaana u mahad naqaya masuuliyiinta soo dhaweeyey. Wasiirka oo ka hadlayey socdaalkooda ayaa yidhi “Waxa aan halkan aad iyo aad uga mahad naqayaa madaxda sharafta leh ee halkan noo taagna inay nagu soo dhaweeyaan haday tahay gudoomiyaha iyo guddida KULMIYE, haday tahay safiir ku xigeenka iyo haday tahay madaxda kale ee la socotay waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa
soo dhaweyntooda iyo sida ay noo qaabileen. Hadaan safarkaygii idiinak waramo waxa aan odhan karaa boqolkiiba sagaashan waan ku guulaysanay, waxa aan soo marnay wadamada khaliijka oo ay ugu horayso wadanka imaaraadka, waxa aanu ku xigsiinay wadanka Qatar caasimadiisa Doha iyo wadanka Bahrain saddexdaa dal ayaanu soo marnay”