berberatoday.com
“In Cid Gaar Ah La Beegsadaa Waxay Keeni Doontaa Damqasho Gaar Ah Oo Aan Raaligelin Doonin Dhinaca Kale”Xirsi Cali Xaaji Xasan
January 2, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax aan jawaab mudnayn ku tilmaamay wararka sheegaya in weftigii xisbiga Waddani ee tagay Nayrobi ay kulamo la yeesheen madax ka tirsan dalka Somaliya.

 

Hoggaamiye Xirsi oo u waramay weriye Badri Kosar oo ka tirsan Star TV, wuxuu ugu horayn yidhi “Horta beeni raad ma l eh, waa wax laga xishoodo oo laga yaqyaqsoodo runtii, war been ah oo aan macno lahayn in meelahaas laga keeno oo sawiro la isu geegeeyo, wax ala wax ka jiraana ma jirto, weftigayaguna Somaliya lama kulmin manaanu arag, muraadna kamaanu lahayn oo danta dalkayaga iyo dadkayaga ayaanu u tagnay.” ayuu yidhi Xirsi oo intaas raaciyay “Weftigii halkan ka baxay aniggaa hoggaaminayay,. Cirroana halkaas [Kenya] ayuu nagaga horeeyay Maxamed Biixina wuu noogu yimid, anigii weftiga watay iyo Maxamed Biixi nama soo qaadaan ee haddaan cid gaar ah loo jeedin, dadkeenuna uma baahna in la qaybiyo oo la qoloqoleeyo, in cid gaar ah la beegsadaa waxay keeni doontaa damqasho gaar ah oo aan raaligelin doonin dhinaca kale.”

Xirsi oo ka hadlaya Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, wuxuu yidhi “Farmaajo isaguba waaba shicicb, sabab aanu u aragnaanama jirto, ina cabdirashiidna maanu arag, sabab aanu u aragnaana ma jirto, qarankuna nooma dirin, aragtidiisa wax alla waxaanu uga baahanahay ma jirto, doorashadayada iyo hawlahayaga ayaanu u diyaar garoobaynaa, marka labaadna waxaanu u soconay inaanu duruufihii iyo dhibaatadii taagnaa dunida u bandhigno. Wax Somaliya nooga qorshaynsaa ma jirin, waad ogayd oo weftigii u dambeeyay oo aniga iyo Maxamed Biixi Turkey ku soo kala kacnay oo isku soo diidnay. waxase layaab leh, shalay markaan wasiirka madaxtooyada ahaa, waxaan ka mid ahaa 8-dii jeer ee la wada hadlayayba, waxa nala socday wasiirkii khaarajiga [Maxamed Biixi] oo safarkana wada soconay, waxa weftigayaga na hoggaainayay guddoomiyihii baarlamaanka, ma guddoomiyihii baarlamaanka ayaa la tuhumayaa, shalay maxaa naloo  tuhmi waayay markaanu xilka haynay, maanta xilba ma hayneee.

Waxa kuu muuqanaysa inay tahay ducufnimo iyo war aanay waxba ka jirin.”

Isagoo la hadlaya murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wuxuu yidhi “Annagu waxaanu leenahay qolada xisbiga KULMIYE iyo murashaxa, anigu murashax uma aqaane waxaan u aqaanaa in si khalada loo cumaamadee, Muuse waxaan leeyahay iska daa’ waxyaabaha aan macnaha lahayn iyo joornaalada la isku kabkabay, ee beenta ah, wax macno leh la kaalay ood kula tartanto murashaxa aanu wadno, dhammaana waxaan leeyahay aan wanaaga ka shaqayno, had iyo goor doorashooyinku dadka way furfuran, inagoon doorashoyinba gaadhin inaan sii furfuranaa sax maaha.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews