Daawo Muuqalka”Salaadiinta Somaliland Oo Ka War Bixiyey Kulan Xasaasi Ah Oo Ay La Yeesheen Masuulyiinta Saddexda Xisbi
January 3, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah madax dhaqameedka Reer Somaliland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen kulan ay maanta isku soo hor fadhiisiyeen masuulyiinta saddexda xisbi ee Kulmiye , Waddani iyo UCID
Waxaa ay sheegen madax dhaqameedkani in ay siyaasiyiintan u soo jeediyeen in ay gabi ahaanba joojiyaan hadalada xanafta leh ee ay warbaahinta isku marinayaan isla markaana ay joojiyaan olalahan ay bilaabeen wakhtigan abaaraha lagu jiro , waxaana ay madax dhaqameedkani xusen in masuulyiintani ka aqbaleen codsiyadan ay u soo jeediyeen